4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 4 , 2022
Madaxweyne Farmaajo oo wax kama jiraan ku tilmaamay magacaabis iyo xil ka qaadis xukuumadu ku sameeysay qaar kamid masuuliyiinta hay'adda dowladda

Arbaco, May, 4, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo ayaa joojiyey dhammaan go’aammada ku saabsan isbeddelada maamul iyo shaqaale ee Hay’adaha Dowladda, inta lagu guda jiro dhammeystirka doorashooyinka.

Madaxweyne Farmaajo isagoo ka amba qaadaya xeerkaan ayaa wuxuu wax kama jiraan ku tilmaamay magacaabis iyo xil ka qaadis ay xukuumada raysal wasaare Rooble ku sameeysay agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo shaqada laga joojiyay, magacaabidda ku simaha Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, iyo agaasimaha Hay’adda Tayo Dhawrka Qaranka.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in la baabi'yay dhammaan wixii magacaabis iyo go’aan maamul ah oo taabanaya wax ka beddelka Hay’adaha gudaha ee dowladda iyo shaqaalaha Rayidka ah, laga soo bilaabo maalintii la dhaariyey Xildhibaannada Baarlamaanka ee 14-ka Abriil 2022.

Madaxweyne Farmaajo ayaa faray  hay’adaha Dowladda inay ka fogaadaan in xilalka iyo hantida dadweynaha looga faa’iideysto dano gaar ah iyo si aan u adeegayn danta guud ee dalka, isagoo sheegay in qof walba lagula xisaabtamayo ku takrifalka hantida iyo awoodda qaranka.

Tallaabada madaxweyne Farmaajo ayaa kusoo beegmatay waxyar kadib markii baraha bulshada lagu faafiyay wareegtooyin magacaabis iyo xil ka qaadis ah oo kasoo baxay xukuumada raysal wasaare Rooble.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]