4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 4 , 2022
Gabadh ku geeriyootay badda magaalada Berbera

Arbaco, May, 4, 2022 (HOL) - Gabadh reer Hargaysa ah, oo u dalxiistagtay magaalo xeebeeda Berbera, ayaa dhimatay kadib markii ay ku qarqoontay badda oo ay ku dabaalanaysay.

Iglan Ismaaciil Xasan, oo kamid ahayd dalxiisayaal u dabaal tagay  Badda Berbera, ayaa dhimatay kadib markii ay ku qarqoontay biyaha badda oo ay ku dabaalanaysay, waxaana si biyaha laga bad baadiyay 3 qof oo kale oo Iglan dabaasha ku weheliyay.

"Maanta 4 qof ayay badu liqday, dadaal badan oo ay sameeyeen kooxda bad baadada dowlada hoose iyo ciidanka badda, oo runtii diyaar garow badan ay sii galeen labada koxoodba, waa lasoo bad baadiyay, 4 tii qof ba bannaanka ayaa la keenay, hal qof ayaana ku geeriyooday isbitaalka" masuul ka tirsan Dowlada Hoose ee Berbera, ayaa sidaa HCTV u sheegay.

Xiliyada munaasibadaha sida ciidaha, dhalinyaro kasoo dalxiistaga dhamaan gobolada Somaliland, ayaa kusoo xooma xeebta Batalaale ee magaalada Berbera, kuwaasi oo mararka qaar ay dhibaatooyin kasoo gadhaan madaama oo ay xeebtan soo booqdaan dad badan oo aan xirfad u lahayn dabaasha.

Laamaha amaanka, ayaa sannadkasta xiliyadan oo kale, digniino kasoo saara dalxiiska iyo dhaqdhaqaaqa dhalinyarada oo shilal badan dhaliya.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online