4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 29, 2022
Kooxda Real Madrid oo markii 14-aad ku guulaysatay UEFA Champions League

Axad, May, 29, 2022 (HOL) - Kooxda kubadda cagta Real Madrid ee ka dhisan wadanka Spain, ayaa markeedii afar iyo tobbanaad ku guulaystay horyaalka naadiyada Yurub ka dib markii Hal gool iyo Ebar ay oga badisay kooxda Liverpool ee ka dhisan wadanka Ingiriiska.

Ciyaartii final-ka ahayd oo ka dhacday garoonka Stade de France oo ku yaallo magaalada Paris ee caasimada wadanka Faransiiska, ayaa waxaa ka qeyb galay dad kor u dhaafaayo 50 kun oo qof.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay  goolal la’aan, balse markii la iskugu soo laabtay ayaa daqiiqadii 59-aad waxaa gool qurux badan u dhaliyay Real Madrid ciyaaryahankooda lamberka 20-aad ee Vinicius Junior.

Liverpool oo dadaal muujisay ayaa marar badan oo goolka Real ay banooniga ku laadeen waxaa ka badbaadiyay gool hayaha Real oo lagu magacaabo Thibaut Courtois, kaasoo ahaa ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa kulanka maadaama uu gooshiisa ka badbaadiyay isku dayo badan oo ciyaartooyda Liverpool ay sameeyeen.

Kooxda lagu naaneyso “Caddaanka” ee Real, ayaa hadda labo jibbaar ka sareyso kooxda ku soo xigto ee AC Milan oo 7-mar qaaday Champions League-ga.

Dhanka kale, Carlo Ancelotti; tababaraha Real Madrid ayaa noqday macallinka ugu guulaha badan horyaalkaan, isagoona noqday macalinka kaliya ee afar jeer ku guulaystay Champions League.

Maamulahaan lagu naaneyso Carletto oo 62-sano jir ah, ayaa labo jeer kula guulaystay koobkaan kooxda AC Milan oo uu horay u maamuli jiray halka labada mar ee kalana uu la qaaday Real Madrid.

Macallinkaan reer Taliyaani wuxuu hadda ka mid yahay todobo tababare oo ku guulaystay European Cup ama Champions League iyagoo ciyaaryahano ah iyo waliba  iyagoo maamulayaal ah labadaba.

Ugu dambeyn Real ayaa ku guulaysatay koobkaan xilli ay horay u soo reebtay qaar ka mid ah kooxihii ugu awooda badnaa horyaalkaan oo ay ka mid ahaan PSG, Chelsea iyo Manchester City.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected]