Safiirka Qatar ee Soomaaliya oo kulan gaar ah la qaatay guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya


Axad, May, 29, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya  Amb. Hassan bin Hamza Hashem.

newsinsideDanjiraha ayaa guddoomiyaha la wadaagay dhambaal salaan ah, oo uga siday Guddoomiyaha Golaha Shuuradda Baarlamaanka dowladda Qatar  Hassan bin Abdulla  Al-Ghanim, taas oo ku aaddan doorashadii uu Gudoomiyaha ku soo baxay iyo Sidoo kale sidii ay ku soo geba gabowday doorashadii lagu doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa dhankiisa dowladda Qatar ku dhiiro geliyey inay sii laba laabto taageerada joogtada ee ay la garab taagan yihiin Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Dowladda Qatar ayaa kamid ahayd dowladdaha shantii sano ee ugu dambeysay saamaynta ku lahaa arrimaha Soomaaliya, waxayna saaxiib dhow la ahaayeen madaxweynihii xilka ka dagay Farmaajo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]