4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 16, 2022
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Isniin, May, 16, 2022 (HOL) - Madaxweynaha cusub ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa Maanta yeeshay kulankoodii ugu horeeyay.

Labada masuul ayaa kulankooda waxay uga wada hadleen dhameystrika dhismaha hay'addaha dowladda iyo sidii loo sii amba qaadi lahaa geedi socodka nabada iyo xasilooni siyaaseed oo wadajir ah.

Kulanka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa imaanaya saacado kooban kadib markii uu xalay saqdii dhexe tartankii doorashadii madaxweynaha Soomaaliya uu ku guuleystay Xasan Sheekh oo horay usoo noqday madaxweynahii 8-aad ee Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya.

Madaxweynaha cusub ee dalka oo doorashadiisa ay si weyn u soo dhaweeyeen madaxda maamulada dalka, iyo dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu kulamo kala duwan uu la qaato saamileyda siyaasadda ka hor inta uusan si rasmi ah xilka ugala wareegin madaxweynahii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Banaanbaxyo waa weyn oo lagu taageerayo guusha madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xalay iyo Maanta ka kala dhacay qeybo ka mid ah magaalooyinka dalka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online