4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 16, 2022
Raysal wasaaraha Itoobiya oo u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya
 

Isniin, May, 16, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha dalka Itoobiya, Aby Ahmed Ali ayaa qoraal uu bartiisa twitterka soo dhigay ugu hambalyeey madaxweynaha cusub ee dowladda federalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa xalay ku guulaystay xilka madaxwyenaha 10-aad ee dalka, kadib  doorasho wareegga saddexaad ay isla soo gaareen madaxweynaha hadda xafiiska jooga ee Farmaajo.

Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Aby Ahmed ayaa sheegay inuu rajeynayo in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ay si dhow uga wada shaqeeyaan danaha labada dhinac iyo kuwa gobolka.

Itoobiya ayaa saaxiib dhow la ahayd madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Xasan Sheikh ayaa maanta hambalyo kala duwan ka helaya dowladdaha iyo ururada caalamiga ah ee daneeya Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]