9/25/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 16, 2022
Faysal Cali Waraabe oo hambalyeeyay madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya codsina u diray
 

Isniin, May, 16, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud, isla markaana wuxuu ka codsaday in uu fuliyo go'aamadii kasoo baxay wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya.

Faysal ayaa sheegay in midowgii Somaliland iyo Soomaaliya uu suuragali waayay, isla markaana Somaliland ay maanta dhulkeedii maamusho, waxaanu madaxweynaha cusub ka codsaday in uu fuliyo heshiisyadii ay wadagaleen dowladiisa iyo dowladii Sheekh Shariif ee burburay intii uu Farmaajo talada hayay.

"Waxan kaa codsanayaa Somaliland dhulkeedii gacanta ayay ku haysataa, nidaam ayay samaysatay, meelaha ugu fiican ayay kamid tahay, shalayna anaga oo dal ah ayaanu idiin nimid, waanu is xamili waynay arrinta Yukrayn ka dhacday ayaa nagu dhacday, waxaan kaa codsanaya in heshiisyadii aynu wadagalnay, go'aamadii waxan doonayaa in aad fuliso" ayuu yidhi Faysal.

Faysal ayaa madaxweyne Xasan ku booriyay in uu ka fogaado qaladad uu sheegay in uu hore u sameeyay "Waxan kaa doonayaa in aad qaladaadkii doorkii hore aad samaysay ee aad doorashada ku wayday, in aad isa saxdaan doonayaa, anagu diyaar baanu u nahay wixii aad nooga baahataan in aanu idinku caawino, oo aad dalkiini ku hagaajin kartaa"

Faysal ayaa madaxweynaha cusub sidookale kula dardaarmay in uu caddaalada oogo oo dadka wixii danbiyo galay uu sharciga horkeeno, isla markaana uu awoodiisa isticmaalo.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online












Click here
5/16/2022 3:36 PM EST
Isniin, May, 16, 2022 (HOL) - Xafiiska bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud doorashada loo doortay madaxwaynihii tobnaad ee dowladda federalka Soomaaliya.

5/16/2022 1:52 PM EST
Isniin, May, 16, 2022 (HOL) - Kooxda TPLF ee dagaalka kula jirta dowladda Itoobiya, ayaa farriin hambalyo ah waxay u direen Madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya ee xalay la doortay Xasan Sheekh Maxamuud.

5/16/2022 9:59 AM EST
Isniin, May, 16, 2022 (HOL) - Madaxweynaha cusub ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa Maanta yeeshay kulankoodii ugu horeeyay.

5/16/2022 8:58 AM EST
Isniin, May, 16, 2022 (HOL) - Saaxiibada Soomaaliya ee caalamiga ah ayaa maanta soo dhaweeyay doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo xafiiska la wareegaya kadib bilo ay Soomaaliya ku jirtay xasillooni darro siyaasadeed.

5/16/2022 7:38 AM EST
Isniin, May, 16, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland oo ku guda jirta qaban qaabada munaasibada 18 May, oo ah maalintii ay Somaliland ku dhawaaqday in ay gaar iskaga taagtay Soomaaliyada kale, ayaa xisbiyada mucaaradka uga digtay in ay gaar ugu dabaal dagaan maalintan.

5/16/2022 6:41 AM EST
Isniin, May, 16, 2022 (HOL) - Saraakiisha ugu saraysa Ciidanka Booliiska Somaliland, ayaa ka digay banaanbaxyada uu balanqaaday xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, waxayna sheegeen in aanay ogolaanayn wax nabadgalyada wax yeelaya.

5/16/2022 5:30 AM EST
Isniin, May, 16, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa dib u fasaxday duulimaadyada garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, kadib muddo ka badan 24 saac ah oo lagusoo rogay Bandow la xiriiray arrimaha doorashada madaxweynaha.

5/16/2022 4:32 AM EST
Isniin, May, 16, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya oo Xalay loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud.

5/16/2022 2:57 AM EST
Isniin, May, 16, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha dalka Itoobiya, Aby Ahmed Ali ayaa qoraal uu bartiisa twitterka soo dhigay ugu hambalyeey madaxweynaha cusub ee dowladda federalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud.

5/16/2022 2:21 AM EST
Isniin, May, 16, 2022 (HOL) - In ka badan 30 saacadood oo ay xaalad bandow ah ku jirtay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya oo ay ka socotay doorashada madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya, waxaa saaka dib u furmay dhaqdhaqaaqyadii kala duwana ee bulshada ku dhaqan Muqdisho.

5/16/2022 2:16 AM EST
Isniin, May, 16, 2022 (HOL) - Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar, oo doorashadii Soomaaliya kaddib qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa waxa uu u hambalyeeyay Madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.