4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 16, 2022
Madaxwayne Mustafe cagjar oo hambalyo u diray Madaxwaynaha Soomaaliya ee xalay la doortay

Isniin, May, 16, 2022 (HOL) - Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar, oo doorashadii Soomaaliya kaddib qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa waxa uu u hambalyeeyay Madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxwayne Mustafe cagjar ayaa qoraalkiisa sidan ku billaabay, "Anigoo ku hadlaya magacayga iyo ka Xukuumadda Dawladda Degaanka Soomaalida, waxaan hambalyo diiran u dirayaa Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Mudane Xassan Sheikh Maxamuud. Waxaan ilaahay uga baryayaa in uu u fududeeyo gudashada waajibaadka culus ee loo igmaday".

"Waxaan sidoo kale u mahadnaqayaa Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo door muhiim ah ka ciyaaray adkeeynta xidhiidhka walaaltinimo ee labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya".

Sidoo kale qaar kamid ah Xisbiyada siyaasadda ee dowlad degaanka Soomaalida oo uu kamid yahay ONLF, ayaa iyaguna geestooda, waxay soo dhaweeyeen Madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya ee xalay la doortay Xasan Sheekh Maxamuud.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]