4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 15, 2022
Xasan Sheikh Maxamuud oo loo doortay madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya

Axad, May, 15, 2022 (HOL) - Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ku guulaystay xilka madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya, kadib markii wareeggii saddexaad ee doorashada uu kaga guulaystay madaxweyne Farmaajo.

Guusha madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud waxay caawa soo afjartay shan sano iyo dhowr bilood oo uu Farmaajo hayay xukunka dalka, isagoo ugu dambayn macsalaamayn doona villada.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa wareegga saddexaad ee doorashada ka helay 214 cod, halka madaxweyne Farmaajo uu helay 110 cod.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sida horey loo filayay waxaa uu wareeggii saddexaad helay codadkii ugu badnaa ee doorashada.

Farmaajo oo wareeggii labaad helay 83 cod, waxaa ugu siyaaday ku dhowaad 30 cod oo kaga yimid musharraxiinta kale.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxmuud wuxuu noqonayaa madaxweynihii ugu horreeyay ee labo jeer xukunka qabta, isagoo dalka horey usoo xukumay sannadihii 2012 illaa 2017.

Waxa uu xilka kala wareegayaa madaxweynihii uu xilka ku wareejiyay sannadkii 2017, ee madaxweyne Farmaajo, kaas oo ay sannadihii ugu dambeeyay si aad ah ugu kala fogaayeen arrimaha siyaasada.

Isla caawa ayaa madaxweynaha cusub xilkiisa loo dhaarindoonaa, iyada uu dalku galayo isbeddal siyaasadeed oo la filayo inuu soo afjaro jahwareerka siyaasadeed ee dalka ka taagnaa muddadii dambe.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]