4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 15, 2022
Farmaajo iyo Xasan Sheikh oo usoo gudbay wareegga ugu dambeeya ee doorashada madaxweynaha
 

Axad, May, 15, 2022 (HOL) - Wareeggii labaad ee doorashada madaxweynaha ayaa lasoo gabagabeeyay, iyadoo labada musharrax ee ugu codadka badan ay u gudbayaan wareegga ugu dambeeya ee doorashada.

Guddiga doorashada ayaa shaaciyay natiijada doorashada, waxayna sheegeen in Xasan Sheikh Maxamuud oo helay 110 cod iyo madaxweynaha hadda talada haya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo helay 83 cod ay u gudbeen wareegga saddexaad.

Waxaa wareegga labaad ku haray raysal  wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo helay 63 cod iyo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni 68 cod.

Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa wareegga labaad la yimid isbeddel, isagoo helay codadka ugu badan, wuxuuna wareeggii hore ahaa musharraxa saddexaad ee ugu codadka badan.

Ugu dambayn, wareegga saddexaad waxaa ku tartamidoona Xasan Sheikh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kuwaas oo sidoo kale doorashadii 2017 ahaa labadii musharrax ee wareegga ugu dambeeya ku tartamay, Farmaajana uu ku guulaystay.

Xasan Sheikh iyo Farmaajo midka ku guulaysta wareeggaan ayaa noqondoona madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]