4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 15, 2022
Musharrixiin bilaabay inay hoolka doorashada dhexdiisa ka sameeyaan olole doorasho

Axad, May, 15, 2022 (HOL) - Xilli saacaddaha soo socda lagu wado inay bilaaabato doorashada madaxweynaha Soomaaliya, ayaa qaar kamid ah musharraxiinka u sharraxan madaxweynaha waxay hoolka doorashada ka dhex wadaan olole siyaasadeed oo ay codad kaga raadinaayan xildhibaannada.

In hoolka doorashada dhexdiisa laga sameeyo olole doorasho waxay ka hor imaanaysaa habraaca anshaxa doorashada madaxweynaha oo ay guddiga qaban doorashada madaxweynaha soo saareen.

Waxaa la arkayay musharraxiinta gudaha kula hadlayay xildhibaannada, iyada oo guddiga doorashada ay ku sugan yihiin isla hoolka, waxaana dad badan oo ka aragti dhiibtay baraha bulshada ay sheegeen inay ay dhaawac ku tahay doorashada.

Doorashadii guddoonka barlamaanka musharraxiinta helay codad aan ku filnayn ayaa hoolka dhexdiisa ka sheegay in loo coddeeyo musharrax kale oo tartanka kula jiray, waxana arrintaas ka dhashay cambaarayn loo jeediyay guddiga doorashada maamulayay.

Inkastoo guddiga doorashada ay soo saareen xeerar lagu mamnuucayo wax kaste oo lid ku ah hufnaanta doorashada, haddana way adag tahay in mararka qaarkood la xakameeyo dareenka musharraxiinta.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]