4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 15, 2022
Xildhibaan Sanyare: Haddaan Barlamaanku isbeddel horseedin rajo kama qabo inay Soomaaliya horey u socoto
 

Axad, May, 15, 2022 (HOL) - Guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug, Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur Sanyare ayaa sheegay tallaabada ugu horreysa ee laga rabo barlamaanka cusub inay tahay meel marinta sharciga la dagaalanka Argagixisada.

Xildhibaan Sanyare oo saxaafadda kula hadlayay hoolka ay ka dhacayso doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in Alshabaab laga xorreeyo Soomaaliya, isagoo sheegay inay qaadan karto in lasoo afjaro muddo ka yar labo sano.

Wuxuu sheegay si taas loo gaaro in loo baahan yahay in isbeddel lagu sameeyo hoggaanka sare ee dalka, isagoo sheegay haddii uusan dhicin isbeddel in uusan rajo badan ka qabin inay Soomaaliya horey u socoto.

Xildhibaan Sanyare ayaa sheegay in dhinaca kale loo baahan yahay in barlamaanku ka shaqeeyo sidii Muqdisho loogu sameyn lahaa maqaamkeeda dastuuriga ah, si ay u hesho xuquuqdeeda.

Sanyare ayaa kamid ah xildhibaannada lagasoo doortay Punltland, wuxuu horey ugasoo mid noqday golaha shacabka. Maanta wuxuu kamid yahay xildhibaannada dooranaya madaxweynaha dalka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]