4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 13, 2022
Musharax Cirro: Saw xadhig diyaar uma tihidin, saw xabad diyaar uma ihidin?
 

Jimco, May, 13, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani oo taageerayaashiisa ugu baaqay mudaharaad, hadii doorashada madaxtooyada Somaliland ay qabsoomi waydo 13 bisha November ee sannadkan.

Musharaxa xisbiga Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo madaxda kale ee xisbiga oo kulan la yeeshay qaybo kamid ah dhalinyarada Hargaysa, ayaa ugu baaqay in ay mudaharaad u diyaar garoobaan hadii doorashada madaxweynuhu dhici waydo.

"Saw diyaar uma tihin in aad qaranka bad baadisan, saw diyaar uma tihin in aad dastuurka bad baadisaan, saw diyaar uma tihin in aad nidaamkii doorasho kusoo celisaan dalkan, saw diyaar uma tihin xaaladkasta oo idinka hor timaada, saw xadhig diyaar uma tihidin, saw xabad diyaar uma tihidin" Cirro ayaa sida dhalinyarada waydiiyay.

Cirro ayaa sheegay in hadii madaxweyne Biixi uu doorashada qaban waayo wakhtigeeda, uu ku mutaysan doono ciqaab iyo xil ka xayuubin.

"Waxaynu leenahay hal dal, waa Somaliland, waxaynu leenahay hal qaran, waa Somaliland ... madaxweynaha qaranka waxaa ku waajib ah in uu ixtiraamo dastuurka iyo xeerarka, hadii kale wuxuu mutaysanayaa ciqaab ah in uu dastuurka iyo xeerarka jabiyay, wuxuu ku mutaysan karaa maamuus ka xayuubin" ayuu yidhi Cirro.

Saraakiisha kale ee xisbiga ayaa iyaguna dhamaantood dhalinyarada ugu baaqay in ay sameeyaan mudaharaad hadii loo baahdo.

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa shaki wayn ka qaba in doorashada  madaxtooyadu ay dib uga dhacdo wakhtigeeda, dhinaca kale xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in doorashadu ay wakhtigeeda ku qabsoomayso.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online