4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 13, 2022
Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka ka socda magaalada Dhuusomareeb
 

Jimco, May, 13, 2022 (HOL) - Dagaal u dhaxeeya ciidamada Galmudug iyo kuwa Ahlusunna waljamaaca ayaa weli ka socda qeybo kamid ah magaalada Dhuusomareeb, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo aan weli xog sugan laga haynin.

Dad shacab ah ayaa ku geeriyooday rasaasta la isku adeegsanayo, kuwaas oo iyagoo guryahooda ku sugan ay madaafiic kusoo dhaceen, qaarkoodna ay rasaastu haleeshay iyagoo dagaalka ka baxsanaya.

Ciidamada Galmudug ayaa lagusoo waramayaa inay dib uga saareen goobaha ay ka dagaalamayeen ciidamada Ahslusunna, kuwaas oo saakay ay u suurto gashay inay la wareegaan qeybo kamid ah magaalada Dhuusomareeb.

Wasiirka warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in Ahlusunna iyo Shabaab wada socda ay duulaan kusoo qaadeen caasimadda Galmudug, isagoo sheegay inay iska difaaceen.

Wasiirka warfaafinta waxa uu sheegay in mar walba oo uu dalka isbeddel galayo ay Ahlsunna isku dayaan inay ka faa’idaystaan oo ay isku dayaan inay qalqal galiyaan ammaanka Galmudug.

Warar aan weli si dhab ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in ciidamada Galmudug ay dagaalka ku qabteen dhowr maxaabiis ah oo katirsan ciidamada Ahlusunna ee dagaalka ku jiray.

Wixii faahfaahin ah oo soo kordha kala socda wararkeenna dambe.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]