3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 8 , 2022
Midowga musharraxiinta madaxweynaha Soomaaliya oo si adag u cambaareeyay xanibaadii safar ee Shariif Xasan
 

Talaado, Maarso, 8, 2022 (HOL) - Golaha midowga musharraxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay is-hortaagii lagu sameeyay madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Shariif Xasan ayaa maalmo ka hor loo diiday inuu u safro magaalada Baydhabo, isagoo qorshihiisu ahaa inuu u tartamo kursi barlamaan. Hase yeeshee waxaa loo diiday inuu ka duulo garoonka Aadan Cadde.

Warsaxaafaddeed kasoo baxay midowga musharraxiinta ayaa xanibaada safar ee lagu sameeyay Shariif xasan waxaa lagu tilmaamay inay ahayd arrin kasoo horjeeda xaquuqda dastuuriga ee muwaadiniinta Soomaaliya.

Musharraxiinta waxay eeda xanibaada Shariif Xasan dusha uga saareen maamulka Koonfur Galbeed oo kaashanaya dowladda federalka Soomaaliya.

Waxay sheegeen tallaabadan inay qeyb ka tahay waxay ugu yeereen boobka lagu hayo doorashada.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
3/8/2022 10:26 AM EST
Talaado, Maarso, 8, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa todobaad gudihii markale, ka hadlay suurtagalnimada dagaal ay dowlada Soomaaliya kusoo qaado Somaliland, isagoo sheegay in Somaliland is difaaci doonto.

3/8/2022 10:17 AM EST
Talaado, Maarso, 8, 2022 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo ka jawaabaya hadalkii musharaxa xisbiga Waddani, ayaa sheegay in doorashada madaxtooyadu wakhtigeedi ku dhacayso, furista axsaabta siyaasaduna sharci tahay.

3/8/2022 5:58 AM EST
Talaado, Maarso, 8, 2022 (HOL) - Inta la xaqiijiyay 2 ruux ayaa ku geeriyooday 3 kalana way ku dhaawacmeen dagaal mudo kooban ka socday afaafka hore ee aqalka Madaxtooyada maamulka Hirshabeelle ee magaalada Baledweyne.

3/8/2022 3:45 AM EST
Talaado, Maarso, 8, 2022 (HOL) - Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa markale, kasoo horjeestay qorshaha xukuumada Somaliland ku doonayso in ay kusoo hormariso doorashada ururrada.

3/8/2022 2:03 AM EST
Talaado, Maarso, 8, 2022 (HOL) - Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan u tartamida kuraasta harsan ee doorashadoodu taalo magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa si adag uga hadlay khilaafka culus ee soo kala dhexgalay madaxweyneha Hirshabeelle iyo ku xigeenkiisa.

3/8/2022 1:48 AM EST
Talaado, Maarso, 8, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in qaar kamid ah masuuliyiinta degmada Godgod ee Gobolka Afdheer lagu helay musuq ay u gaysteen deeqdii gurmadka abaaraha loogu talo galay ee degmada God god.

3/8/2022 12:44 AM EST
Talaado, Maarso, 8, 2022 (HOL) - Xeer Ilaaliyaha guud ee dalka Jabuuti ayaa sheegay in balaayiin lacag ah lagu lunsaday heshiis been abuur ah oo dhexmaray mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Miisaaniyadda Jabuuti iyo koox ganacsato ah.

3/8/2022 12:11 AM EST
Talaado, Maarso, 8, 2022 (HOL) - Maamulka Puntland iyo shirkadda Imaaraatka laga leeyahay ee DP-world, ayaa ku heshiiyay in maamulka dekeda Bosaso laga wareejiyo shirkadda B&O oo muddo shano ah gacanta ku haysay dekeda.