8/18/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 24, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo laga helay COVID-19
 

Jimco, Juun, 24, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa laga helay caabuqa COVID-19, baaritaan uu maray kadib markii uu maanta dalka dib ugusoo laabtay.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, Cabdikariin Cali Kaar ayaa saxaafadda shir jaraa’id ugu sheegay in aanay jirin wax calaamado ah oo COVID-19 ah oo madaxweynaha kasoo muuqday.

Afhayeenku wuxuu sheegay in xaaladda madaxweynuhu aad u wanaagsan tahay, islamarkaana uu shaqooyinkiisa si caadiya u gudan doono, isagoo raacaya tilmaamaha caafimaad, iyo taxadarka COVID-19.

Cabdikariin Cali Kaar wuxuu sidoo kale sheegay in qaar kamid ah wefdiga madaxweynaha oo inta ay ku sugnaayeen dalka Imaaraatka laga helay COVID-19, ay haatan ka bogsadeen, lagana waayay baaritaan kadib.

Dhinaca kale, madaxweynaha Soomaaliya oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu ku xaqiijiyay in baaritaanno lagu sameeyay laga helay COVID-19.

"Waxaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee sharafta leh la wadaaggayaa in baaritaanno la igu sameeyay maanta lagu xaqiijiyay in la iga helay COVID-19. Intaas waxaa dheer, inaan caafimaad qabo" ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheikh.

Wuxuu sheegay inuu sii wadi doono shaqada uu hayo qaranka iyo umadda Soomaaliyeed, isagoo raacaya habraacyada caafimaad ee la xariira Covid-19.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
6/24/2022 5:43 PM EST
Jimco, Juun, 24, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaantay, go'aanka shirkadaha korontadu ku sheegeen in ay korontadu maqnaan doonto habeenkasta saacadaha u dhexeeya 1:00 ilaa 400 habeenimo laga bilaabo 1 August.

6/24/2022 7:31 AM EST
Jimco, Juun, 24, 2022 (HOL) - Maxamed Cali Maxamed oo reer Hargaysa ah, ayaa Ciidanka Booliiska Somaliland ku eedeeyay in ay u gaysteen jidhdil sababay in mid kamid ah xiniinyihiisu ay dhimato, intii uu socday mudaharaadkii 9 Juun.

6/24/2022 7:14 AM EST
Jimco, Juun, 24, 2022 (HOL) - Booliiska dalka Mozambique ayaa xiray 5 qof oo Soomaali ah oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin shabakad isku xiran oo falal isugu jira afduub iyo ganacsi ka sameeya maandooriyaha magaalada xeebta ku taal ee Beira ee gobolka Sofala.

6/24/2022 5:08 AM EST
Jimco, Juun, 24, 2022 (HOL) - Ciiddanka PSF-ta Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay saddex xubnood oo katirsan kooxda Daacish, kuwaas oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Qowmiyadda Oromada ee dalka Ethiopia.

6/24/2022 4:54 AM EST
Jimco, Juun, 24, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, oo waraysi gaar ah siiyay Universal TV, ayaa sheegay in ergo beesha caalamka ka socota oo uu Nairobi kula kulmay, uu uga warbixiyay mawqif mucaaradka, ee ku aadan in aanay aqbalayn doorashada urrurada siyaasada.

6/24/2022 3:11 AM EST
Jimco, Juun, 24, 2022 (HOL) - Wasaaradda amniga maamulka Koonfur galbeed ayaa digniin u dirtay siyaasiyiin ay ku eedeysay inay qalqal amni ka abuurayaan deegaannada Koonfur Galbeed.

6/24/2022 12:53 AM EST
Jimco, Juun, 24, 2022 (HOL) - Telefishinka Channel 4 ee laga leeyahay dalka UK, ayaa la kulmay in ka badan 100 cabasho ah oo ka dhan ah barnaamij weriye Jamaal Cismaan uu dhawaan ka diyaariyay ururka Al-Shabaab.

6/24/2022 12:39 AM EST
Jimco, Juun, 24, 2022 (HOL) - Ergayga madaxweynaha Soomaaliya uqaabilsan arrimaha abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa soo jeediyay in hoos loo dhigo xuska maalmaha xorriyada dalka, isagoo sheegay dalku inuu ku jiro xaalad aan mudnayn dabaal deg.

6/24/2022 12:26 AM EST
Jimco, Juun, 24, 2022 (HOL) - Shidaal yaraan dhacday awgeed korontada, ayaa habeenkasta magaalooyinka Somaliland ka maqnaandoonta saacadaha u dhexeeya 11:00 ilaa 4:00 habeenimo marka la gaadho 1 August.