3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 24, 2022
Mozambique oo xirtay 5 qof oo Soomaali ah oo loo haysto ka ganacsiga daroogada

Jimco, Juun, 24, 2022 (HOL) - Booliiska dalka Mozambique ayaa xiray 5 qof oo Soomaali ah oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin shabakad isku xiran oo falal isugu jira afduub iyo ganacsi ka sameeya maandooriyaha magaalada xeebta ku taal ee Beira ee gobolka Sofala.

Sida uu sheegay afhayeenka booliiska Daniel Macuacua, Soomaalida la xiray waxay haysteen warqado aqoonsi oo been abuur ah.

Waraaqaha ayaa isugu jiray lix baasaboor oo Kenyan ah, 13 kaar oo magangalyo doon ah, toddobo waraaqo aqoonsi ah oo Mozambique iyo Kenya ah, iyo afar dukumentiyo oo Mozambique ah.

Mr Macuacua ayaa intaa ku daray in booliisku ay sidoo kale baareen shaqaale katirsan rayidka, oo lagu tuhunsan yahay inay kooxdan u fududeeyeen gelitaanka iyo helitaanka dukumentiyada.

"Intii lagu jiray baaritaan, waxaa la ogaaday inay xiriir la leeyihiin qaar ka mid ah shaqaalaha maxalliga ah kuwaas oo ay u badan tahay inay fududeeyeen soo saarista dukumentiyadan", ayuu yiri Mr Macuacua.

Mozambique ayaa ah meel ay maraan kumanaan muhaajiriin ah oo sanad walba ka soo talaaba xudduudaha dalka Koonfur Afrika.

Bishii Oktoobar, hay’adda Socdaalka Qaranka Mozambique ayaa xirtay 53 muhaajiriin ah oo sharci darro ku joogay bartamaha Gobolka Tete.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
6/24/2022 5:43 PM EST
Jimco, Juun, 24, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaantay, go'aanka shirkadaha korontadu ku sheegeen in ay korontadu maqnaan doonto habeenkasta saacadaha u dhexeeya 1:00 ilaa 400 habeenimo laga bilaabo 1 August.

6/24/2022 8:45 AM EST
Jimco, Juun, 24, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa laga helay caabuqa COVID-19, baaritaan uu maray kadib markii uu maanta dalka dib ugusoo laabtay.

6/24/2022 7:31 AM EST
Jimco, Juun, 24, 2022 (HOL) - Maxamed Cali Maxamed oo reer Hargaysa ah, ayaa Ciidanka Booliiska Somaliland ku eedeeyay in ay u gaysteen jidhdil sababay in mid kamid ah xiniinyihiisu ay dhimato, intii uu socday mudaharaadkii 9 Juun.

6/24/2022 5:08 AM EST
Jimco, Juun, 24, 2022 (HOL) - Ciiddanka PSF-ta Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay saddex xubnood oo katirsan kooxda Daacish, kuwaas oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Qowmiyadda Oromada ee dalka Ethiopia.

6/24/2022 4:54 AM EST
Jimco, Juun, 24, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, oo waraysi gaar ah siiyay Universal TV, ayaa sheegay in ergo beesha caalamka ka socota oo uu Nairobi kula kulmay, uu uga warbixiyay mawqif mucaaradka, ee ku aadan in aanay aqbalayn doorashada urrurada siyaasada.

6/24/2022 3:11 AM EST
Jimco, Juun, 24, 2022 (HOL) - Wasaaradda amniga maamulka Koonfur galbeed ayaa digniin u dirtay siyaasiyiin ay ku eedeysay inay qalqal amni ka abuurayaan deegaannada Koonfur Galbeed.

6/24/2022 12:53 AM EST
Jimco, Juun, 24, 2022 (HOL) - Telefishinka Channel 4 ee laga leeyahay dalka UK, ayaa la kulmay in ka badan 100 cabasho ah oo ka dhan ah barnaamij weriye Jamaal Cismaan uu dhawaan ka diyaariyay ururka Al-Shabaab.

6/24/2022 12:39 AM EST
Jimco, Juun, 24, 2022 (HOL) - Ergayga madaxweynaha Soomaaliya uqaabilsan arrimaha abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa soo jeediyay in hoos loo dhigo xuska maalmaha xorriyada dalka, isagoo sheegay dalku inuu ku jiro xaalad aan mudnayn dabaal deg.

6/24/2022 12:26 AM EST
Jimco, Juun, 24, 2022 (HOL) - Shidaal yaraan dhacday awgeed korontada, ayaa habeenkasta magaalooyinka Somaliland ka maqnaandoonta saacadaha u dhexeeya 11:00 ilaa 4:00 habeenimo marka la gaadho 1 August.