4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 24, 2022
Koonfur Galbeed oo digniin ujeedisay siyaasiyiin lagu eedeeyay qalqal galin amni
 

Jimco, Juun, 24, 2022 (HOL) - Wasaaradda amniga maamulka Koonfur galbeed ayaa digniin u dirtay siyaasiyiin ay ku eedeysay inay qalqal amni ka abuurayaan deegaannada Koonfur Galbeed.

Wasiirka ammiga Koonfur Galbeed, Isaaq Maxamed Cabdi ayaa sheegay, iyadoo lagu jiro xilli abaareed in aan loo dulqaadan karin in la abuuro xasilooni darro amni oo ay ka shaqeynayaan siyaasiyiin mucaarad ah.

Wuxuu amray laamaha amniga inay waajibaadkooda ka gutaan cid kasta oo amni darro ka shaqeynaysa.

Wuxuu sheegay ciddii doorasho doonaysa inay Koonfur Galbeed leedahay dastuur sheegaya xilliga doorashada.

Dhinaca kale, siyaasiyiinta la eedeeyay oo ay ku jiraan musharraxiin u sharraxan madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ku doodaya in xilka madaxweyne Lafta gareen uu ku egyahay bisha December 2022, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in la qabto doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

20-kii Bishii Abril ee 2020, baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa muddo kordhin hal sano ah u sameeyey madaxweynaha maamulkaas Cabdicasiis Lafta Gareen, taasoo ka dhigan in doorashadu dhacayso december 2023.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]