4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 24, 2022
Korontada oo maqnaandoonta saacadaha qaar magaalooyinka Somaliland 1 August kadib
 

Jimco, Juun, 24, 2022 (HOL) - Shidaal yaraan dhacday awgeed korontada, ayaa habeenkasta magaalooyinka Somaliland ka maqnaandoonta saacadaha u dhexeeya 11:00 ilaa 4:00 habeenimo marka la gaadho 1 August.

Guddoomiyaha iskaashatada shirkadaha korontada Ilyaas Xaamud Jibriil, oo waraysi gaar ah siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in ay talaabadan ku kaliftay shidaal yaraanta awgeed, markaa ay rabaan in ay beekhaamiyaan shidaalka ay hayaan si aanu dhakhso ugu dhamaan.

"Arrintaasi xaqiiqiyan maaha wax saluug ku xidhan ee waa shidaalka aan haysana inta uu noo gaadhayo, waad la socotaa caalamka shidaalku halka uu marayo, Somaliland-na helitaankii ayaaba yarba, wixii aanu hayno, ayaanu rabnaa in aanu shacabka aan adeega siino u beekhaamino" ayuu yidhi Ilyaas.

Hadaba shidaal yaraanta dhacday kadib, shirkadaha laydhka ee Somaliland, ayaa qiimaha korontada kor u qaaday, talaabadaas oo xukuumada Somaliland ka hortimid isla markaana joojisay, kadibna waxa ku xigtay talaabadan ay shirkaduhu adeegi korontada meesha kaga saarayaan saacado kamid ah habeenkii.

Cunaqabataynta ay reer galbeedku kaga jawaabeen duulaanka Ruushka ee Yukrayn, ayaa loo aanaynayaa in ay keentay in qiimaha shidaalka uu kor u kaco meelaha qaar koodna la waayaba, madaama oo uu Ruushku ahaa mid kamid ah dowladaha soo saara gaaska ugu badan ee adduunka.

Afrika ayaa dhibanaha koowaad ka ah dagaalka Yukrayn sida madaxweynaha Yukrayne Volodymyr Zelenskyy sheegay, madaama oo dalkiisu uu ahaa mid kamid ah dalalka Afrika ugu tiirsantahay cuntada, halka Ruushkana laga heli jiray shidaalka, taasi oo istaagtay dagaalka awgii.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]