4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 19, 2022
Goobaha Ganacsiga Suuqa Xamarweyne oo Maalintii sadaxaad Xiran
 

Axad, Juun, 19, 2022 (HOL) - Waxaa Maalintii sadaxaad xiran ganacsiga  Suuqa degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho, kadib markii ganacsatada Suuqaasi lagu soo rogay lacago Canshuur ah oo ay sheegeen iney horay u bixiyeen.

Ganacsiga Suuqa Xamarweyne ee xiran maalintii sadaxaad ayaa ah qeybta lagu iibiyo qalabka dhismaha, waxayna ganacsatada ka cabanayaan ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo xirxiray goobahooda ganasiga, kuwaas oo ku amray iney bixiyaan lacago canshuur ah oo ay sheegeen ganacsatada iney horay u siyeen wasaaradda Maaliyada markalana aysan suurtagal aheyn iney bixiyaan lacag kale.

Qaar ka mid ah ganacsatada oo la hadlay warbaahinta ayaa waxay sheegeen inaysan garaneen lacagaha laga doonayo, iyagoo tlmaamay iney horay u dhiibeen dhamaan waxii canshuur ah ee looga baahna oo ay kusoo bixiyeen Dekada weyn laba canshuur tan haatan la weydinayana ay tahay mideysan garaneyn halka ay ka socoto.

"Dhamaan goobahii ganacsiga waa kuwa xiran oo waxaa xirxiray ciidamo ka tirsan dowladda mana garaneynayo sababta wasaaradda Maaliyadda Canshuur aan soo bixinay markale inaloo weydiinayo, madaxweynaha cusub, raysal wasaaraha cusub iyo kan hada xilka haayo waxaan ugu baaqeyna in arrintaan ay soo faragaliyaan" ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada Suuqa Xamarweyne.

Ganacsatada waxay sidoo kale tilmaamen in sanad waliba sidaan oo kale looga xirxiro goobahooda ganacsiga, iyaga oo si sax ah u dhiiba dhamaan Canshuurta laga rabo oo ay sheegeen inay ku bixiyaan gudaha Dekada weyn ee magaalada Muqdisho.

"Xirnaashaha ganacsigeena waxa uu saameyn nololeed ku yeeshay marka anaga nalaga soo tago dad kala duwan oo nolol maalmeed ka heli jiray furnaashaha Suuqa, sida Xoogsatada, masaakiinta tuugsata oo maalin walba shilimaad kala tagi jiray suuqa dabkana ugu shidan jiray reerahooda" ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada Suuqa Xamarweyne.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii sidaan oo kale ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay u xirxireen goobaha ganacsiga lagu iibiyo qalabka dhismaha ee ku yaala Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta wadooyinka Howlwadaag iyo Aadan Cadde ama jid Mareexaan ee magaalada Muqdisho.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online