
Axad, Juun, 19, 2022 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xilka qaadis ku sameeyay laba ka mid ah Golaha Wasiiradda Maamulkiisa.
newsinsideMadaxweyne Guudlaawe ayaa wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa xilkii kaga qaaday wasiiradda Wasaaraddaha Ganacsiga iyo Dastuurka maamulka Hirshabeelle Yaxye Ismaciil Maxamed iyo Qadar Xasan Maxamed.
Wareegtada xilalka looga qaaday labadaan wasiir ayaa lagu sheegay in xilka looga qaadan xil gudasho la'aan, hayeeshee wareegtada laguma xusin cida lagu badalay ama sii wadeysa shaqada ay hayeen labada wasiir ee ka tirsanaa Maamulka Hirshabeelle.
Si kastaba ha ahaatee wasiirkii Wasaaradda Ganacsiga Hirsbabeelle Yaxye Ismaciil Maxamed ayaa xilka qaadistiisa waxay imaaneysa xili uu dhawaan Tahriib uu ku galay wadanka Mareykanka.
Hoos ka akhriso wareegtada Madaxweyne Guudlaawe:-
