3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 19, 2022
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo beenisay inay amni darro ka jirto garoomada diyaaradaha
 

Axad, Juun, 19, 2022 (HOL) - Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in aysan jirin wax khatar ku ah badqabka duulimaadyada dalka gudahiisa ah, kadib markii shalay qaar kamid ah shirkaddaha duulimaadyada ay sheegeen inay sababo amni awgeed u joojiyeen duulimaadyada.

War-saxaafaddeed hay’addu ay soo saartay ayay ku sheegtay inaysan waxba ka ogayn warqada lagu baahiyay baraha bulshada ee shirkaddaha duulimaadyada ku sheegeen shaqo joojinta.

Dhinaca kale, qaar kamid ah shirkaddaha duulimaadyada ayaa ka hor yimid go’aanka shirkaddaha kale, waxayna sheegeen go’aankaas inuu yahay mid aan loo dhameyn, iyadoo ku baaqay in wixii jira wada hadal lagu dhameeyo, loona turo shacabka.

Shirkadaha soo saaray shaqo joojinta ee ka cabanayay amni xumada garoomada, ma caddayn nuuca amni darro ee ka jirta garoomada diyaaradaha iyo sababta keentay amni darradaas.

Balse waxay ku adkaysteen in axada maanta ay joojinayaan duulimaadyada gudaha dalka illaa iyo inta laga xaqiijinayo bedqadka duulimaadyada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
6/19/2022 2:51 PM EST
Axad, Juun, 19, 2022 (HOL) - Hay’ada Hidosoor ayaa suuro galisay Soomalida degan nawaaxiga magaalooyinka mataanaha ee Minneapolis iyo St. Paul (Tiwin Cities area) gaar ahaan Plymouth, Minnesota in ay helaan Maalinta Hiddaha iyo Dhaqanka iyo Hibayoonka Somalida. Maallinta june 18 ayaa noqotay maalin lagu calaamadeeyay Maalinta Dhaqanka Somalida.

6/19/2022 11:13 AM EST
Axad, Juun, 19, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa Maanta u ambabaxay dalka isutaga Imaaraadka Carabta.

6/19/2022 10:30 AM EST
Axad, Juun, 19, 2022 (HOL) - Waxaa Maalintii sadaxaad xiran ganacsiga Suuqa degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho, kadib markii ganacsatada Suuqaasi lagu soo rogay lacago Canshuur ah oo ay sheegeen iney horay u bixiyeen.

6/19/2022 8:10 AM EST
Axad, Juun, 19, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sharci daro ku tilmaamay furista urrurada siyaasada, isagoo sheegay in aanu jirin sharci loo cuskado.

6/19/2022 8:05 AM EST
Axad, Juun, 19, 2022 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee barlamaanka Soomaaliya, Marwo Sacdiyo Yaasiin Samatar, ayaa noqotay ku-simaha madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii maanta madaxweynaha Soomaaliya uu safar labo cishe qaadanaya ku aaday dalka Imaaraatka Carabta

6/19/2022 7:58 AM EST
Axad, Juun, 19, 2022 (HOL) - Duqa magaalada Hargaysa Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa sheegay in dib loo bilaabayo wadahadaladii u dhexeeyay mucaaradka iyo xukuumada Somaliland.

6/19/2022 5:26 AM EST
Axad, Juun, 19, 2022 (HOL) - Saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya uga qeyb galay shirka Booliska Adduunka ee Interpol.

6/19/2022 5:22 AM EST
Axad, Juun, 19, 2022 (HOL) - Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa wadahadal kula yeeshay magaalada Muqdisho safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Tiina Intelmann.

6/19/2022 3:49 AM EST
Axad, Juun, 19, 2022 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa ku dhow inay dib u bilowdo dhoofinta Qaadka Miirowga ee loo iib gayn jiray Soomaaliya, iyadoo heshiis arrintaas ku saabsan la saxiixayo horraanta bisha Luulyo.

6/19/2022 2:21 AM EST
Axad, Juun, 19, 2022 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xilka qaadis ku sameeyay laba ka mid ah Golaha Wasiiradda Maamulkiisa.

6/19/2022 1:53 AM EST
Axad, Juun, 19, 2022 (HOL) - Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa Xalay toogasho ku dilay mid ka mid ah afar rag oo burcad ah, kuwaas dhac u geysan jiray dadka ku dhaqan Xaafadaha Ceymiska, Carafaat iyo Suuqa Xoolaha, waxaana la sheegay in sadaxdii kale ay baxaadeen.