4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 30, 2022
Booliiska Somaliland oo digniin u diray xisbiyada mucaaradka
 

Sabti, Luulyo, 30, 2022 (HOL) - Ciidanka Booliiska Somaliland, ayaa xisbiyada mucaaraka Somaliland uga digay in ay qabtaan mudaharaad anay ogolaansho u haysan.

Muuqaal lagu baahiyay boga Facebook ee ciidanka booliiska, ayay saraakiil ka tirsan ciidanku axsaabta mucaaradka ah ugaga digeen in ay abaabulaan mudaharaad anay fasax u haysan.

"Bannaanbax aan fasax loo qaadan oo rag iska sameeyo oo dad soo kaxaysto, oo dhalinyarada soo kiciyo, waa sharci daro ta u wayn, waana ta booliisku u abuuranyahay in uu ka hortago, wuu ka hortagayaa wixii sharci daro wada" mid kamid ah saraakiisha hadashay ayaa sida yidhi.

Taliyaha ayaa shacabka ugu baaqay in ay booliiska ka caawiyaan is hortaaga bannaanbaxyada "Dad waynahana waxaanu ku wargalinaynaa in ay nagu gacansiiyaan arrinkaana ogaadaan".

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa qorshaynaya mudaharaado ay kaga soo horjeedaan, in doorashada madaxtooyadu ay dib uga dhacdo 13 November, kadib markii ay burbureen wadahadaladii ay la layaaheen mucaaradka.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]