4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 30, 2022
Magacaabiista Golaha Wasiirrada oo caqabado hor leh la kulmaya
 

Sabti, Luulyo, 30, 2022 (HOL) - Wada-hadallo waqti dheer qaatay ayaa goor dhow usoo gabagaboobay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare , Xamse Cabdi Barre , sida ay HOL u sheegeen xubno ku dhow madaxtooyadda.

Wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray dhammeystirka hannaanka lagu magacaabo Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka , iyadoo kaliya muddo shan maalin ah ay uga hadhay Ra’iisul wasaaraha muddadii Baarlamaanka u kordhiyay si uu u horkeeno Golihiisa Wasiirrada.

Caqabado hor leh

Sida ay HOL u sheegeen saraakiil sare oo ka tirsan Xafiiska Ra’iisul waaaraaha , waxaa jira caqabado hor leh oo dib u dhigaya magacaabiista Wasiirrada.

“Hadda waxaan ku sheegi kara caqabada ugu weyn ee hortaalla magacaabiista Wasiirrada inay tahay Xildhibaannada.” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo HOL la hadlay.

Xildhibaannada ayaa ku gacan-sayray in Golaha Wasiirrada lagu soo daro xubnaha aan ka midka ahayn Baarlamaanka , dhaq-dhaqaaqa ugu weyn waxa uu ka socda dhinaca Xildhibaannada Puntland  iyo qaar ka mid ah Xildhibaannada gobollada Waqooyi.

Xukuumaddii u dambeysay waxay Wasiirrada ka imaanayeen Baarlamaanka , taa oo ay isku -dayayaan inay ka leexdaan Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisul wasaare Xamse.

“Si arrintan xal looga gaaro, Madaxweynaha ayaa kullamo la leh qaar ka mid ah Xildhibaannada .”  ayuu yiri sarkaalka la hadlay HOL.

Ka hor Khamiista toddobadkan ayaa la filayaa in la soo magacaabo Golaha Wasiirrada , maaddama maalintaa uu ku egyahay waqtigii 10 maalin ee 25 bishan July , loogu siyaadiyay Ra’iisul wasaaraha si uu usoo dhiso Golaha Wasiirrada.

Iman Jama, Hiiraan Online
[email protected]