4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 30, 2022
Ciidanka dowladda oo sheegay iney howlgal ku dileen horjoogahii Al-shabaab ee degmada Bardaale iyo 7 xubnood oo kale
 

Sabti, Luulyo, 30, 2022 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed oo is kaashanaya ayaa howgalo qorsheysan oo ay ka sameeyeen deegaano hoostaga degmada Bardaale ee gobolka Baay, waxay sheegeen iney ku dileen sideed xubnood oo ka mid ah dagaalyahanada Shabaab.

Howlgalka ayaa la sheegay in ciidamada ay si gaar ah uga sameeyeen deegaanka lagu magacaabo Toosweyne oo 18 KM u jira degmada Bardaale ee gobolka Baay, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo dhexmaray ciidankii dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo iskaashanaya iyo Al-shabaabkii ku sugnaa deegaankaasi.

Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya oo lagu magacaabo Ceydaruus Cabdullaahi oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgalka ay ku dileen 8 xubnood oo ka mid ah dagaalamayaasha Shabaab oo uu ku jiray horjoogahii Shabaab u qaabilsana dhanka howlgalada degmada Bardaale iyo nawaaxigeeda oo uu magaciisa ku sheegay Xasan Ibraahin Aweys.

"Howlgalkeena waxa uu ahaa mid qorsheysan oo aan ku dooneynay inaan deegaanka kaga saarno Al-shabaab, deegaanka Toosweyne ayaa howlgalka ka fulinay waxaana halkaasi ku dilnay 8 xubnood oo uu ku jiray horjoogahii Shabaab u qaabilsana dhanka howlgalada degmada Bardaale iyo nawaaxigeeda Xasan Ibraahin Aweys" ayuu yiri Ceydaruus Cabduullahi oo ka mid ahaa saraakiisha howlgalkaasi hoggaamineysay.

Waxuu intaasi ku daray in ciidanka dowlada iyo kuwa Koonfur Galbeed ay haatan si wadajir ah gacanta ugu hayaan deegaanka Toosweyne, islamarkaana ay sii joogi doonan ayna sii wadayaan howlgalada ay Shabaab kaga saarayaan deegaanada gobolka Baay oo xiligaan inta badan ay ka jiraan abaaro aad u baahsan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]