4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 14, 2022
Maamulka magaalada Addis Ababa oo deeq raashin ah ugu deeqay shacabka dowlad degaanka Soomaalida

Jimco, Janaayo, 14, 2022 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Jigjiga lasoo gaarsiiyay deeq raashin ah, oo loogu talagalay shacabka ay abaaruhu saameeyeen ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Deeqdan raashinka ah oo ka timid dhanka maamulka magaalada Addis Ababa, ayaa waxaa degaanka Soomaalida soo gaarsiisay Adanech Ababe oo ah Maayarka magaalada Addis Ababa, iyadoo ku wareejisay deeqdan maamulka dowlad degaanka Soomaalida.

Dhinaca kale Axmed Yaasiin Sheekh Ibraahim oo ah Madaxa Xafiiska maaraynta khataraha iyo masiibooyinka ee dowlad degaanka Soomaalida, oo ka waramayay sida loo kala maaraynayo deeqdan raashinka ah, ayaa waxa uu sheegay in deeqdan oo isugu jirta ilaa 6 nooc oo raashinka kamid ah sida, Bariis, Burka, Sonkor, Saliid, Caano iyo Timir lagaarsiin doono gobollada ay abaartu saamaysay, oo ay usii daran yihiin ilaa 10 gobol oo kamid ah dowlad degaanka Soomaalida.

Waxa kale oo uu sheegay in deeqdan oo lacag ahaan gaaraysa 100 milyan oo birr, aysan ahayn mid ku filan dadka ay abaartu saamaysay, waxa uuna sheegay in deeqdaas ka sokow dowladdu dhankeeda ay wado dadaalo badan oo wax loogu qabanayo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Sidoo kalena waxa uu sheegay in hay'adaha caalamiga ah ay ka cosadeen in hawlahooda hormarineed ee degaanka ay kawadeen u badalaan dhanka abaaraha, oo in badan oo shacabka degaanka Soomaalida saamaysay.

Deeqdan raashinka ah ayaa waxay kusoo hagaagtay xilli degaanka Soomaalida badankiisu la daalaa dhacayo abaaro dad iyo duunyaba saamaysay, iyadoo  deeqdanna la filayo inay wax ka qabato abaartan dheeraatay ee degaanka ku dhufatay, iyadoo meelo badanna ay wkhti xaadirkan dowlad degaanku ka wado biyo dhaamin iyo waxyaabaha lamid ah ee wax u qabanaya shacabka la dhibaataysan abaarta.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]