4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 14, 2022
Dowladda Soomaaliya oo xallisay caqabad haysatay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Suudaan

Jimco, Janaayo, 14, 2022 (HOL) - Wasaaradda arrimaha dibaddaa Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Suudaan laga dhaafo lacagta degenaanshaha, lacagta ganaaxa iyo lacagta kaararka shaqada.

Go’aankan oo dhaqan galay 10 casho ka hor, ayaa ku yimid iskaashiga iyo xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeysa Suudaan, taas oo ay Labada Dowladood isla garteen in muwaadiniintooda ku kala sugan Labada Dal ay ugu adeegaan si siman, iyada oo laga cafinayo dhammaan kharashaadkaas.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah  waxa ay uga mahadcelisay Dowladda Suudaan garab istaagga ay u muujiso dowladda Soomaaliya iyo fursaddan oo ay ka faa’iideysan doonaan Soomaalida ku dalkaas.

Ku dhowaad 7 kun oo arday ah iyo 300 oo qoys oo Soomaali ah ayaa ku dhaqan dalka Suudaan, kuwaas oo ay horey caqabad weyn uga heysatay marka ay ka dhacaan dukementiyada ay ku joogaan dalkaas.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online