4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 13, 2022
Dowladda Itoobiya oo TPLF ku eedaysay inay caqabad ku tahay gargaarkii lagaarsiin lahaa gobolka Tigray
 

Khamiis, Janaayo, 13, 2022 (HOL) - War qoraal ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in TPLF ay caqabad ku tahay gargaarkii lagaarsiin lahaa dadka dhibaataysan, ee gaajada iyo dhibaatooyinka kale saameeyeen ee ku sugan gudaha gobolka Tigray.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in TPLF ay burburiyeen buundooyinkii uu gargaarku u mari lahaa shacabka Tigray, sidoo kalena ay boob u gaystaan bakhaarada ay yaalaan raashinka gargaarka ah ee loogu talagalay shacabka Tigray ee dhibaatadu haysato.

Horey Hay'adaha gargaarka ayaa waxay walaac badan ka muujiyeen xaaladda bani adanimo ee ka jirta gobolka Tigray, kaas dagaalladu ka socdeen muddo sannad ka badan, waxayna imbadan hay'adaha gargaarku sheegaan inay ku adag tahay in gargaar ku filan la gaarsiiyo shacabka Tigray, maadaama wali dagaalku qaybo kamid ah gobolkaasi ka socdo.

Eedaymaha ay isku tuurayaan labada dhinac ee Dowladda iyo TPLF, ayaan jirin dhinac saddexaad oo xaqiijiya siday wax u jiraan, goobo badan ayaa waxaa lagu arkayaa burbur kasoo gaaray dagaalka, balse dowladda iyo TPLF midba ka kale ayuu ku eedaynayaa dhibka meesha ka dhacday.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]