4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 13, 2022
Wararkii ugu dambeeyay banaanbaxii lagu waday inuu Maanta ka dhaco magaalada Muqdisho iyo Golaha Musharaxiinta oo ka hadlay
 

Khamiis, Janaayo, 13, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta oo Khamiis ah dib u dhac uu ku yimid banaanbax lagu waday in magaalada Muqdisho uu ka dhaco, kaasoo looga soo horejeedo madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Banaanbaxaan ayaa maalmahii lasoo dhaafay qabanqaabadiisa si xolwhi ah looga dareemaayay gudaha magaalada Muqdisho, kaasoo abaabulkiisa ay wadeen Siyaasiyiin, Odayaal dhaqameed iyo qeybo kale oo ka mid ah bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir, waxaana baajinta banaanbaxa dadaal badan ku bixiyay Ugaasyo iyo waxgarad kale oo ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo horkaacayay dhaqanka dadaalka badan ku bixiyay baajinta banaanbaxa ayaa gogol u dhigay xubnaha guddiga ku howlanaa qabanqaabada banaanbaxa maanta lagu waday ayaa ku guuleystay iney baajiyaan banaanbaxaasi si aysan magaalada uga dhicin qalalaase dhibaato kasoo gaartay bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Banaanbaxaan baaqday ee Maanta lagu waday inuu ka dhaco Muqdisho ayaa waxaa horay digniino culus uga soo saaray inaan lagu qaban karin magaalada Muqdisho, maamulka gobolka Banaadir oo sheegay inaan la qaban karin wax banaanbax ah oo uusan maamulka ka warqabin, waxaana xusid mudan in banaanbaxa maanta baaqday uu fasaxay wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya.

Dhinaca kale Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa si kulul waxay u Cambaareeyeen hadalkii kasoo yeeray guddoomiyaha gobolka Banaadir ee uu faldambiyeedka ugu tilmaamay banaanbaxa maanta dhici lahaa, islamarkaana ay sheegeen Midowga inuu yahay mid Dastuuri ah sida uu dhigayo qodobka 20-aad ee Dastuurka dalka.

Golaha Musharaxiinta ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Golaha Bulshada Gobolka Banaadir GBB aqbalitaankooda ku aadan codsigii uga yimid Odayaasha dhaqanka Muqdisho ee ahaa in dib loo dhigo banaanbaxa laqaban lahaa Maanta oo Khamiis ah.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka kasoo baxay Midowga Musharaxiinta.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online