4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 13, 2022
Ergooyinka isku xilsaaray dhamaynta colaadda Bosaso oo isku khilaafay go'aankii Isimadu soo saareen

Khamiis, Janaayo, 13, 2022 (HOL) - Guddiyadii isku xilsaaray dhameynta khilaafka madaxweyne Deni iyo agaasimihii hore ee PSF ayaa ku kala qeybsamay go'aan qaar Isimada Puntland kasoo saareen arrinta Bosaso ka jirta.

Madaxweynayaashii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiweli Gaas ayaa ka hor yimid  go'aanka Isimada iyagoo ku tilmaamay mid aysan wax talo ah ku lahayn islamarkaana aan u turayn xasiloonida iyo wadajirka Puntland.


Dhinaca kale raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo kamid ah ergada dhex dhexaadinta ayaa isna ka hor yimid hadalka labada madaxweyne isagoo sheegay inuusan qeyb ka ahayn bayaanka ay soo saareen labada madaxweyne.

Muddo labo todobaad ah oo ergooyinka dhex dhexaadintu ku sugnaayeen magaalada Bosaso waxaa muuqata in ay ku guul daraysteen in ay go'aan wadajir ah kasoo saaraan colaadda Bosaso.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo shalay dib ugusoo laabtay magaalada Garowe ayaa la filayaa inuu ka hadlo arrintaan, inkastoo uu ka baaqsaday safarkii uu ku aadi lahaa magaada Bosaso.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online