4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 22, 2022
Booliiska Soomaaliya oo shaaciyay iney gacanta ku hayaan ragii ka dambeeyay weeraro lagu qaaday Maanta degmooyin ka tirsan Muqdisho
 

Talaado, Febraayo, 22, 2022 (HOL) - Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay iney gacanta kusoo dhigeen kooxo weerar bambaanoyinka nooca gacanta laga tuuro ah ku qaaday qaar ka mid Saldhigyada degmoyinka gobolka Banaadir.

Afhayeen Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka dowlada ayaa ugu horeyntii sheegay in saldhigyada la weeraray ay kala yihiin degmoyinka Wadajir, Hodan, Howlwadaag iyo Boondheere oo ka wada tirsan gobolka Banaadir.

Waxuu intaasi ku daray iney gacanta ku hayaan ilaa 7 qof oo uu sheegay iney ku eedeysan yihiin weerarada lagu qaaday Saldhigyada afarta degmo, islamarkaana ay soo bandhigi doonaan.

Dhawaan ayay aheyd markii Al-shabaab weeraro noocaan oo kale xili habeen bar ah ku qaadeen qaar ka mid ah degmooyinka gobalka Banaadir, kuwaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online