4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 22, 2022
Alshabaab oo 24 milyan oo dollar sanad walba ku bixisa soo iibsashada hubka

Talaado, Febraayo, 22, 2022 (HOL) - Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya ayaa sanad walba 24 milyan oo doolar ku kharash gareeya soo iibsashada hubka, sida lagu sheegay warbixin cusub oo soo baxday.

Warbixintan oo uu soo saaray Mac'hadka Hiraal, ayaa lagu sheegay in kooxda Alshabab ay adeegsato habab kala duwan oo ay ku soo iibsadaan hubka, oo ay ka mid yihiin wax iibsiga suuqyada madow ee gudaha, iyo ganacsatada hubka ee qandaraaska lagu siiyay inay hubka kaga soo iibsadaan Yemen.

Mac'hadka Hiiraal ayaa sheegay in soo iibsiga hubka, rasaasta, walxaha qarxa iyo hubka kale ee wax dila ay weli muhiimad gaar ah siinayaan Al-Shabaab, iyadoo ku dhawaad ​​rubac ka mid ah miisaaniyadooda ay ku baxayso soo iibinta hubkaas.

"Qarashaadka sanadlaha ah ee Alshabaab oo gaaraya ku dhawaad ​​100 milyan oo doolar, waxay sanad walba kharashaadkaas 24 milyan oo kamid ah ku bixisaa soo iibsiga hubka, iyadoo bishiiba loo qoondeeyo 2 milyan oo doolar," ayaa lagu yiri warbixinta.

Samira Gaid oo ah agaasimaha fulinta ee Machadka Hiraal ayaa sheegtay in cilmi baaris ay sameeyeen ay heleen dukumentiyada miisaaniyad sanadeedka Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa ay wareysteen xubno hore uga tirsanaan jiray Al-Shabaab, hogaamiye kooxeedyo, ganacsato, saraakiil ka tirsan dowladda iyo ilo kale oo xog ogaal u ah qaabka ay kooxda u shaqeyso.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online