3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 22, 2022
Cabdinaasir Xaaji Axmed oo kamid ahaa culimada Soomaaliya oo lagu dilay qarax ka dhacay magaalada Kismaayo
 

Talaado, Febraayo, 22, 2022 (HOL) - Waxaa goor dhowayd magaalada Kismaayo qarax ka dhacay lagu dilay Allaha u naxariistee, Sh, Cabdinaasir Xaaji Axmed oo ka mid ah culimada waaweyn ee Soomaaliyeed ee fadhigiisu ahaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Sheikh Cabdinaasir ayaa ku geeriyooday qarax gaarigiisa loogu xiray oo ka dhacay xaafadda Calanley ee magaalada Kismaayo. Hal qof oo shacab ah ayaa sidoo kale ku geeriyooday qaraxaas.

Sheikh Cabdinaasir Xaaji Axmed waxa kamid ahaa jameecadda Ictisaamka, wuxuuna katirsanaa culimada sida weyn ugasoo horjeeday una dhaleecayn jiray ficilada iyo fikradaha ururka Alshabaab.

Marxuumka ayaa safar ku joogay magaalada Kismaayo, halkaas oo isaga iyo culimo kale ay u joogeen in ay bulshada u gudbiyaan Muxaadarooyin ku saabsan hanuunka qur’aanka.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Karaash, wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Dubbe iyo madax kale ayaa ka tacsiyeeyay geerida Sheikh Cabdinaasir.

Wadaado ay saaxiibo dhow ahaayeen Sheikh Cabdinaasir Xaaji ayaa horey loogu dilay Soomaaliya, waxaana kamid ah, Sheikh Axmed Cabdiraxmaan oo Boosaso lagu dilay december 2011, iyo Sheikh Cabdiqaadir Nuur Faarax oo Garowe lagu dilay febraayo 2013.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
2/22/2022 9:13 AM EST
Talaado, Febraayo, 22, 2022 (HOL) - Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay iney gacanta kusoo dhigeen kooxo weerar bambaanoyinka nooca gacanta laga tuuro ah ku qaaday qaar ka mid Saldhigyada degmoyinka gobolka Banaadir.

2/22/2022 5:35 AM EST
Talaado, Febraayo, 22, 2022 (HOL) - Guddoomiyihii hore guddiga doorashada Soomaaliya Maxamed Xasan Cirro ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha guddiga heer federal ee doorshooyinka inuu abuurayo xasarad cusub oo lagu jahwareerinayo doorashada golaha shacabka.

2/22/2022 5:16 AM EST
Talaado, Febraayo, 22, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta lagu doortay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose 5 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.

2/22/2022 4:16 AM EST
Talaado, Febraayo, 22, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ee loosoo gaabiyo ATMIS, uu billaabanayo bisha abril ee sannadkan.

2/22/2022 1:06 AM EST
Talaado, Febraayo, 22, 2022 (HOL) - Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar ayaa ka hadlay Maxaabiista Soomaalida ah ee ku xidhan xabsiyada heer fadaraal, iyo waxa ay dowladdiisu ka damacsan tahay maxaabiistaas.

2/22/2022 12:43 AM EST
Talaado, Febraayo, 22, 2022 (HOL) - Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya ayaa sanad walba 24 milyan oo doolar ku kharash gareeya soo iibsashada hubka, sida lagu sheegay warbixin cusub oo soo baxday.

2/22/2022 12:28 AM EST
Talaado, Febraayo, 22, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka horyimid go'aankii guddiga doorashada heer Fedaraal ay ku hakiyeen natiijada doorashada kuraasta kala ah HOP 103 iyo HOP154.

2/22/2022 12:19 AM EST
Talaado, Febraayo, 22, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar, ayaa mar uu ka hadlayay kulankii xildhibaannada, waxa uu ka hadlay arrin inta badan laga hadlo oo ah arrinta xorriyadda hadalka.