3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 22, 2022
Maxamed Xasan Cirro: Guddoomiyaha guddiga doorashada wuxuu abuurayaa xasarad cusub oo doorashada lagu jahwareeriyo

Talaado, Febraayo, 22, 2022 (HOL) - Guddoomiyihii hore guddiga doorashada Soomaaliya Maxamed Xasan Cirro ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha guddiga heer federal ee doorshooyinka inuu abuurayo xasarad cusub oo lagu jahwareerinayo doorashada golaha shacabka.

Guddoomiye Muuse Geelle ayaa shalay sheegay in guddgigooda uu hakiyay natiijada kursiga Fahad Yaasiin iyo kuraasta kale oo horey loogu doortay koonfur galbeed.

“Kursi doorashadiisa horey loo dhameeyay, waa un nuuc xasarad abuur ah. Waqtigii 25-ka bisha wuu dhow yahay, halkii dardar galinteeda iyo dhameystirkeeda xoogga la saari lahaa, in loosoo nooleeyo cabaqado horey looga gudbay waa xasarad abuur,” ayuu yiri Cirro.

Cirro wuxuu tilmaamay inay gacme shisheeye dagaalkooda soo dhex galiyeen guddiga doorashada. Wuxuu sheegay caqabadihii isaga ka hor yimid ee horseeday inuu meesha ka baxo ay haatan haysataan madaxda guddiga doorashooyinka.

Guddiga doorashada ayaa dhexdiisa isku khilaafsan kuraasta uu hakiyay guddoomiyaha guddiga doorashada, waxaana xubnaha kasoo horjeeda arrintaan ay sheegeen inuusan jirin wax fadhi oo gudidigu ka yeeshay arrintan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
2/22/2022 9:13 AM EST
Talaado, Febraayo, 22, 2022 (HOL) - Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay iney gacanta kusoo dhigeen kooxo weerar bambaanoyinka nooca gacanta laga tuuro ah ku qaaday qaar ka mid Saldhigyada degmoyinka gobolka Banaadir.

2/22/2022 7:29 AM EST
Talaado, Febraayo, 22, 2022 (HOL) - Waxaa goor dhowayd magaalada Kismaayo qarax ka dhacay lagu dilay Allaha u naxariistee, Sh, Cabdinaasir Xaaji Axmed oo ka mid ah culimada waaweyn ee Soomaaliyeed ee fadhigiisu ahaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

2/22/2022 5:16 AM EST
Talaado, Febraayo, 22, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta lagu doortay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose 5 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.

2/22/2022 4:16 AM EST
Talaado, Febraayo, 22, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ee loosoo gaabiyo ATMIS, uu billaabanayo bisha abril ee sannadkan.

2/22/2022 1:06 AM EST
Talaado, Febraayo, 22, 2022 (HOL) - Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar ayaa ka hadlay Maxaabiista Soomaalida ah ee ku xidhan xabsiyada heer fadaraal, iyo waxa ay dowladdiisu ka damacsan tahay maxaabiistaas.

2/22/2022 12:43 AM EST
Talaado, Febraayo, 22, 2022 (HOL) - Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya ayaa sanad walba 24 milyan oo doolar ku kharash gareeya soo iibsashada hubka, sida lagu sheegay warbixin cusub oo soo baxday.

2/22/2022 12:28 AM EST
Talaado, Febraayo, 22, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka horyimid go'aankii guddiga doorashada heer Fedaraal ay ku hakiyeen natiijada doorashada kuraasta kala ah HOP 103 iyo HOP154.

2/22/2022 12:19 AM EST
Talaado, Febraayo, 22, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar, ayaa mar uu ka hadlayay kulankii xildhibaannada, waxa uu ka hadlay arrin inta badan laga hadlo oo ah arrinta xorriyadda hadalka.