4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 22, 2022
Kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo Maanta lagu doortay magaalada Kismaayo


Talaado, Febraayo, 22, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta lagu doortay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose 5 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.

Kursiga koowaad ee Maanta lagu doortay magaakada Kismaayo oo sumadiisu yahay HOP 072, waxaa kusoo baxay Cabdirashiid Maxamed Xidig oo helay 75 cod, halka Musharaxii la tartamay oo ahaa Cabdisamad Maxamed Cabdullaahi uu helay 18 cod, waxaana halaabay 2 cod.

Kursiga labaad ee HOP 130, waxaa ku guuleystay Mowliid Cabdi Maxamuud oo hab gacan taag ah loogu codeeyay oo helay 100 cod, waxaana ka aamusay hal ruux, kadib markii ay tanaasushay Haboon Tifow oo la tartami laheyd.

Kursiga sadaxaad ee sumadiisu yahay HOP 079, waxaa kusoo baxay Maxamuud Muxumed Cunar oo helay 74 cod, halka Musharaxii la tartamay oo ahaa Bashiir Nuur Xuseen uu helay 21 cod, waxaana halaabay 2 cod.

Kursiga afaraad ee HOP 112, waxaa ku guuleystay Cabdiqaadir Maxamed Waceys oo la tartamay Daa'uud Cismaan Cali, halka kursiga shanaad oo ahaa kan ugu dambeeyay oo tirsigiisu yahay HOP 136, uu kusoo baxay Cumar Yuusuf Qalaadiid oo helay 82 cod, halka Musharaxii la tartamay ee ahaa Cabdifataax Cunar Macalin uu helay 17 cod, waxaana kursiga horay ugu fadhiyay Maxamed Cabdi Gaandi oo ka geeriyooday.

Maamulka Jubbaland waa maamulka kaliya ee ilaa hada aanan shaacin kuraasta taala deegaan doorashada labaad oo ah magaalada Garbahaareey oo ay horay u sheegeen ineysan suurtagal aheyn doorasho lagu qabto magaaladaasi, inkastoo aysan sheegin sida ay ka yeelayaan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online