4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 22, 2022
Dowladda Soomaaliya oo shaacisay xilliga uu billaabanayo howlgalka cusub ee lagu beddelayo AMISOM
 

Talaado, Febraayo, 22, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ee loosoo gaabiyo ATMIS, uu billaabanayo bisha abril ee sannadkan.

Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa kowda bisha March howlgalka cusub u gudbin doona golaha ammaanka, si ay waajibaadkooda ugu meel mariyaan.

Agaasimaha wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, Xasan Maxamed Siciid Samatar ayaa sheegay inuu howlgalkani ku eg yahay dhammaadka sannadkan 2022, isagoo sheegay in ciidamada  Soomaaliya ay kadib la wareegayaan masuuliyadda amni ee dalka.

Agaasimuhu wuxuu sheegay muddada uu heshiisku socdo in Soomaaliya laga caawinayo dib u dhiska ciidamada qalabka iyo in laga qaado cuna-qabataynta hubka ee saaran ee Soomaaliya.

Samtaar wuxuu sheegay howgalka ATMIS, inuu yahay howlgal ay dowladda Soomaaliya kaalin buuxda ku leedahay soo magacaabida taliyayaasha howlgalka, halka uu sheegay in AMISOM aysan Soomaaliya wax talo ah ku lahayn sida uu u shaqeeyo.

Midowga Yurub ayaa maalgalin doona howlgalkan, waxaana laga yaabaa inuu qaato muddo saddex sano ah, waa haddii daruufaha ku xeeran dib u dhiska ciidamada Soomaaliya lagu xallin waayo muddadaas loo qabtay ee sannadka ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online