4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 22, 2022
Guddiga doorashada maamulka Koonfur Galbeed oo ka horyimid go'aankii kasoo baxay guddoonka doorashooyinka heer Fedaraal

Talaado, Febraayo, 22, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka horyimid go'aankii guddiga doorashada heer Fedaraal ay ku hakiyeen natiijada doorashada kuraasta kala ah HOP 103 iyo HOP154.

Guddiga ayaa bandhigay warqad uu ku saxiixan yahay guddoomiyahii hore ee guddiga doorashada heer Fedaraal Maxamed Xasan Cirro, taasoo soo baxday 17-kii bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay, islamarkaana cadeyneysay in kurasiga HOP 103 doorashadiisa ansax yahay.

Guddigaan ayaa ku doodaya in xiligaas la fasaxay oo ay maanta suurtagal ahayn in dib loogu laabto oo dood cusub la geliyo sida uu ku doodayaan guddiga hirgelinta doorashooyinka Koonfur Galbeed.

“Kursiga HOP 103 horaa loo fasaxay, HOP 154 cid ka dacwooneysa lama haayo, Guddiga FEIT ha ka shaqeeyo danaha ummada, doorashada carqalada halaga daayo” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay SEIT Koonfur Galbeed.

Hadalkaan kasoo baxay guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa imaanaya, saacado kadib markii uu guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf uu shaaciyay in la hakiyay natiijada doorashada kuraasta kala ah HOP 086, HOP 103, HOP 154.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online