4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 8 , 2022
Madaxweynaha Koonfur galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Laftagareen oo soo gaadhay magaalada jigjiga
 

Isniin, Agoosto, 8, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Koonfur galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Laftagareen iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka degey magaalada Jigjiga ee caasimadda dowlad degaanka Soomaalida, iyadoo garoonka diyaaradaha ee Magaalada Jigjiga uu kusoo dhaweeyay Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar iyo qaar kamid ah golihiisa Wasiirada.

Haddaba labada Madaxweyne ayaa la filayaa inay ka wada hadlaan arrimo ku saabsan xaqiijinta amniga xuduudda labada dhinac iyo waliba sidii dhinac looga mari lahaa la dagaallanka Ururka Al Shabaab.

Madaxweyne Cabdicasiis laftagareen ayaa socdaalkiisa Itoobiya waxa uu kusoo horreeyay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, isagoo maantana booqasho gaaban ku yimid magaalada Jigjiga ee degaanka Soomaalida.

Booqashada Madaxweyne Cabdicasiis laftagareen ee degaanka Soomaalida oo ah booqashadii u horreysay ee uu Madaxweynuhu ku yimaaddo degaanka ayaa kusoo hagaagaysa iyadoo uu socdo howlgallo ay si wada jir ah u wadaan Itoobiya iyo Soomaaliya, kaas oo ka dhan ah Ururka Al Shabaab.

Ururka Al Shabaab ayaa labo toddobaad ka hor waxay degaanka Soomaalida kasoo galeen deegaanno kamid ah Dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya, xilligaas oo xuduudda labada dhinac ay dagaallo culus ku dhex mareen Liyuu Booliska degaanka Soomaalida iyo Ururka Al Shabaab.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]