4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 8 , 2022
Wasiiro ka tirsan xukuumada Somaliland oo baaq u diray shacabka iyo mucaaradka
 

Isniin, Ogosto, 8, 2022 (HOL) - Wasiiro, wasiir ku xigeeno iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumada Somaliland, ayaa shacabka ugu baaqay in ay nabada ilaaliyaan, mucaaradkana usoo jeediyay in ay dabaqaan sharciga.

Wasiirka Beeraha Somaliland Eng: Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa sheegay in Somaliland sharci ku dhisantahay, madaxweynuhuna doorasho ku yimid, doorashana ku tagayo, isla markaana in cayimida mudada doorashadu ay tahay masuuliyada guddida doorashooyinka.

"Dadwaynow sharciyo ayaynu ku dhaqmaynaa, xukuumad ayaynu nahay, waynu is daba joognaa, waa qori isku dhiib, cod ayuu ku yimid Muuse Biixi Cabdi, codna wuu ku baxayaa" ayuu yidhi wasiir Iimaan "Xeer number 91 faqradiisa 1aad wuxuu leeyayay koomiishanka ayaa cayimaya xiliga la qabanayo doorashooyinka".

Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland DR. Cabdiwali Sh. Cabdillaahi Suufi, ayaa isna dhankiisa mucaaradka ugu baaqay in ay ilaaliyaan sharciga, isaga oo waydiiyay hadii ay maanta ilaalin waayaan sida ay berri u ilaalin doonaan hadii ay madax noqdaan.

"Xisbiyada mucaaradka waxaanu u sheegaynaa bini adamka iyo xayawaanka waxa u dhexeeyaa waa xeerka iyo nidaamka iyo kala danbaynta, dalkani waa dalka aad doonaysaan in aad berritoole xukuntaan, hadaydaan sharcigiisii maanta ilaalinayn, berri sideed umada kale u xukumaysaan" ayuu yidhi wasiir Suufi.

Xubnaha kale ayaa iyaguna hadalo kuwan la mid ah u jeediyay shacabka iyo mucaaradka Somaliland.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]