4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 8 , 2022
Ciidanka Liyuu Booliska oo soo bandhigay Miinooyin ay sheegeen in laga qabsaday Ururka Al Shabaab

Isniin, Agoosto, 8, 2022 (HOL) - Ciidanka Liyuu Booliska degaanka Soomaalida ayaa sheegay in Ururka Al Shabaab laga qabtay Miinooyin.

Taliye kuxigeenka Ciidanka Liyuu Booliska degaanka Soomaalida Sakariye Cabdi oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay gacanta lagu dhigey Miinooyin dhan  20 caag oo baaruudo ah, 35 kuwa culus ee burburiya taangiyada iyo dabaqyada iyo kuwa wadooyinka.

Taliyaha ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka Liyuu Boolisku ay mar walba u taagan yihiin sidii degaanka looga difaaci lahaa wax kastoo halis ku ah amniga degaanka Soomaalida.

Ma aha markii koowaad ee sidan oo kale usoo bandhigaan waxyaabo la sheegay in Ururka Al Shabaab laga furtay, maalmo ka hor ayaa sidan oo kale Liyuu Boolisku usoo bandhigeen Maxaabiis ay ku sheegeen inay Al Shabaab kamid yihiin iyo waliba qalab tiro badan.

Ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin kara sheegashada dowladda ee ah inay miinooyin ka qabsadeen Ururka Al Shabaab.

Ururka Al Shabaab ayaan wali ka hadlin sheegashada dowladda ee hore iyo tan dambe ee maanta ee ah in miinooyin iyo walxaha qarxa laga qabsaday Ururka Al Shabaab.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]