4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 8 , 2022
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo Maanta u ambabaxay dalka Uganda

Isniin, Agoosto, 8, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta u ambabaxay dalka Uganda, kadib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqashadiisa dalka Uganda la sheegay iney qaadan doonto mudo saddex maalmood ah, waxaana labada  Madaxweyne ay ka wada hadli doonaan xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dowladood iyo sare u qaadista iskaashiga dhinaca amaanka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale inta uu ku sugan yahay dalka Uganda waxa uu ka qeyb gali doonaa madasha dhaqaalaha Soomaaliya iyo Uganda oo dalkaas ka furmi doonta, iyadoo ganacsatada iyo khubarada dhaqaale ee labada dal ay gorfeyn doonaan iskaashiga ganacsiga, maalgashiga iyo kobaca wax soo saarka, si loo sii horumariyo, loona xaliyo wixii caqabado ah oo ku xeeran.

Wafdiga qaybta ka ah booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiggooda dalka Uganda la yeelan doona kulammo ku saabsan adkaynta xiriirka labada dal iyo xasilloonida Gobolka, iyagoo soo bandhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan dib u xoojinta xiriirka dalkeenna iyo dalalka Gobolka.

Safarka madaxweynaha Soomaaliya u Maanta ugu ambabaxay dalka Uganda ayaa noqonaya dalkii 8-aad ee uu booqdo madaxweyne Xasan Sheekh tan iyo markii loo doortay madaxweynaha Soomaaliya 15-kii bishaan May sanadkaan 2022, waxuuna horay safaro ugu tagay dalalka kala ah Imaaraadka Carabta, Turkiga, Eritrea, Kenya, Jabuuti, Tanzania iyo Masar.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]