4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 8 , 2022
Al-shabaab oo dab qabadsiiyay ilaa 7 tuulo oo ka tirsan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan
 

Isniin, Agoosto, 8, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaalmayaasha Al-shabaab ay dab qabad siiyeen ilaa 7 tuulo oo ka mid ah tuulooyinka hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane ayaa sheegay in Al-shabaab ay gubeen oo ceelashii biyaha ay matooradii ka qarxiyeen ilaa 7 tuulo oo ah tuuloiyinka hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

"Waxay dab qabadsiiyeen 7 tuulo oo ay ceelashii biyaha xata intey qarxiyeen ay duugeen arxan lawaxayasha Shabaab oo hada beegsi ku bilaabay shacabka, waxay sidoo kale gubeen qaar ka mid ah Isgaarsiinta tulooyinkaasi, waxaana hada qorsheynay inaan ka badbaadino tuulooynka kale" ayuu yiri guddoomiyaha Maxaas Muumin Xalane.

Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir oo ka mid ah Xildhibaanada laga soo doorto gobolka Hiiraan oo ka hadlaayay tulooyinka ay gubeen Al-shabaab ayaa sheegay in shabaab dhibaatada Hiiraan ay ka wadaan ay tahay mid qabyaaladeysan oo ay ku beegsanayaan Beesha Xawaadle kaliya.

"Waxaan aad uga xumahay dhibaatada shabaab ay ka geysteen tulooyinka hoostaga Maxaas, waxan cadeynaya in shabaab ay Beesha Xawaadle kaliya beegsi ku hayso, wan ognahay waxay horay u cunaqabateyeen dhamaan deegaanadii beesha sida degmooyinka Jalalaqsi, Buulaburte, Maxaas, Matabaana iyo Baledweyne ay hada kala jareen dhamaan deeganada Bariga Hiiraan ayay shabaab hab qabiileed kula dagaalameysa, Dadkeeyga marna madaxa hoorsan mayaan shabaabna waan Ka guuleysaneynaa" ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir.

Shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan ayaa si weyn u hadal haayo talaabada Al-shabaab ay ku gubeen ilaa 7 tuulo oo ah tulooyin hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, islamarkaana ceelashii tuulooyinkaasi ku duugeen Shabaab.