11/28/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 8 , 2022
Jubbaland oo ka hadashay ciidamo Itoobiyaan oo aan ahayn ATMIS oo gudaha u galay goblka Gedo

Isniin, Agoosto, 8, 2022 (HOL) - Maamulka Jubbland ayaa xaqiijiyay inay ciidmo Itoobiyaan ah oo kasoo gudbay xadka labada dal ay gaareen qeybo kamid ah gobolka Gedo, maalmo kadib dagaalladii Itoobiya Alshabaab kula gashay gobolka Bakool iyo xadka.

Wasiirka amniga Jubbaland, Yuusuf Dhuumaal ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya u tageen goblka Gedo sugida amniga xaduudaha, si ay uga hortagaan in Alshabaab mar kale weerar kusoo qaadaan dowlad deegaanka Soomaalida.

Wasiirka amniga wuxuu sheegay ciidamada Itoobiya inay ku sugan yihiin garoonka diyaaradaha ee Doolow iyo buundada magaalada, wuxuuna sheegay inay yihiin ciidamo yar oo aan ahayn sida loo buunbuuniyay.

“Waa ciidan aan ka badnayn 200. Waa afar Uuraal oo min 50 ah. Ciidan farabadan iyo waxa la sheegayo waxba kama jiraan, annaguna waan ognahay,” ayuu yiri wasiir Dhuumaal.

Wasiirka waxa uu sheegay inay Itoobiya iska kaashanayaan la dagaalanka Shabaabka dhibaatada ku haysa gobolka Gedo.

Wuxu sheegay inay ogyihiin meelo badan oo Alshabaab isku urursanayaan, isagoo sheegay inay qorsheynayaan inay doonayaan inay meelo kale kasoo weeraraan Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa ciidamadan ay soo galisay gobolka Gedo ku tilmaamay inay qeyb ka yihiin ka hortagida weeraro Alshabaab mar kale ay qorsheynayaan inay dalkeeda kusoo qaadaan, sida ay horey uga digtay dowladda Maraykanka.












Click here
8/8/2022 1:10 PM EST
Isniin, Agoosto, 8, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Koonfur galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Laftagareen iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka degey magaalada Jigjiga ee caasimadda dowlad degaanka Soomaalida, iyadoo garoonka diyaaradaha ee Magaalada Jigjiga uu kusoo dhaweeyay Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar iyo qaar kamid ah golihiisa Wasiirada.

8/8/2022 1:03 PM EST
Isniin, Agoosto, 8, 2022 (HOL) - Ciidanka Liyuu Booliska degaanka Soomaalida ayaa sheegay in Ururka Al Shabaab laga qabtay Miinooyin.

8/8/2022 10:04 AM EST
Isniin, Agoosto, 8, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa soo dhaweeyay ansixinta Xukuumadda cusub ee Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre oo uu horay u dhaliilay dhismaheeda.

8/8/2022 9:45 AM EST
Isniin, Agoosto, 8, 2022 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Maanta la wareegay deegaano dhowr ah oo ka tirsan degmooyin Matabaan iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan, kadib howlgalo balaaran oo saacadihii ugu dambeeyay ay sameeyeen ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

8/8/2022 9:38 AM EST
Isniin, Ogosto, 8, 2022 (HOL) - Wasiiro, wasiir ku xigeeno iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumada Somaliland, ayaa shacabka ugu baaqay in ay nabada ilaaliyaan, mucaaradkana usoo jeediyay in ay dabaqaan sharciga.

8/8/2022 8:27 AM EST
Isniin, Agoosto, 8, 2022 (HOL) - Lix Kun oo arday ayaa waxbarashadii ugu haray saameynta ka dhalatay abaaraha ka jira Puntland, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kaso baxay wasaaradda waxbarashada maamulka Puntland.

8/8/2022 8:18 AM EST
Isniin, Ogosto, 8, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa diiday kulan uu ka dalbaday wasiirka arrimaha gudduhu, kadib ogaysiiskii mudaharaad ee ay shalay u gudbiyeen, xili xukuumadu xabsiga dhigtay masuuliyiin ka tirsan mucaaradka.

8/8/2022 7:36 AM EST
Isniin, Agoosto, 8, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta u ambabaxay dalka Uganda, kadib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni.

8/8/2022 3:14 AM EST
Isniin, Agoosto, 8, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaalmayaasha Al-shabaab ay dab qabad siiyeen ilaa 7 tuulo oo ka mid ah tuulooyinka hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

8/8/2022 2:11 AM EST
Isniin, Agoosto, 8, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, xalay oo Axad ahayd.