4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 6 , 2022
Wasiir Koore: Puntland malaha sacabka iyo xabada ma kala taqaano
 

Sabti, Ogosto, 6, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ciidamada millateriga oo ku ruqaansaday deegaanka Boocame ee gobolka Sool, ay ku tageen doonista shacabka.

Wasiirka Warfaaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, oo ka jawaabay hadalo uu sheegay in masuuliyiin maamulka Puntland ka tirsani ay ku sheegeen in ciidanka Somaliland ay xoog ku tageen Boocame, ayaa sheegay in Somaliland anay diyaar u ahayn dagaal, ciidankuna si nabada ku tageen.

"Qolada Puntland oo aan hadalo ka maq maqlayay malaha xabada iyo jiibta iyo jaanta ayay kala garan waayeen, iyo soo dhawaynta iyo sacabka iyo dagaalka ayaanay kala aqoon ayaan is idhi, dowlada Somaliland diyaar uma aha in ay cunfi dagaal ku gaadho danaheeda siyaasiga ah" ayuu yidhi wasiir Koore.

Waxa uu sheegay in shacabka deegaanka Boocame ay soo dhaweeyeen, isla markaana ka xukuumad ahaan, meelkasta oo shacabku ugu yeedho, oo uu ka dalbado in ay yimaadaan ay tagayaan.

Waxa uu u mahahceliyay shacabka deegaanka Boocame oo uu sheegay in ay gacmo furan kusoo dhaweeyeen ciidanka iyo masuuliyiinta gobolka Sool ee deegaankooda gaadhay, isla markaana ay ka muuqatay xamaasad iyo waddaniyadi.

"Waxan u mahadcelinayaa umada Boocame oo si xilkasnimo ah, walaalnimo ah usoo dhaweeyay masuuliyiinta qaranka, waxaana ka muuqatay xamaasad iyo waddani-nimo iyo in ay u jeelanaayeen in dadkoodi, dowladoodii iyo maamulkoodii soo gaadho" ayuu yidhi wasiir Koore.

Ciidamada millateriga Somaliland, ayaa ku ruqaansaday deegaanka Boocame oo ka tirsan gobolka Sool.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]