4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 6 , 2022
Itoobiya oo soo bandhigtay magacada 24 sarkaal oo katirsan Alshabaab oo ay sheegtay inay dileen

Sabti, Agoosto, 6, 2022 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa soo bandhigtay magacyada 24 xubnood oo ay ku sheegtay inay yihiin saraakiishii Alshabaab ee lagu dilay dagaalkii todobaadyadii tagay ka dhacay Xadka Soomaaliya.

Waxaa la yaab noqotay inay liiskaan ku jiraan Fu’aad Maxamed Shangole iyo Cabdicasiis Abuu Muscab oo labaduba soo hadlay, sheegayna inay nool yihiin.

Itoobiya waxay sheegtay saraakiishan in cadow ajaanib ah oo raba inay Itoobiya khalkhal geliyaan ay u adeegsadeen inay gudaha usoo galiyaan dalkeeda.

“Cadowgu qorshihii uu rabay markuu u socon waayay, waxa ay sameeyeen isku dayo aan waxba ka jirin oo ay Al-Shabaab gadaal kaga taageerayaan,” ayuu yiri madaxda isku dubaridka iyo daabulka ciidamada Itoobiya, Gen. Tasfaye Ayelow.

Itoobiya waxay sheegtay 813 dagaal-yahan oo ka tirsan kooxda Alshabaab oo ay ku jiraan 24 ka mid ah madaxda ugu sareysa Alshabaab in ay ku dishay dagaaladii ugu dambeeyay ee dhacay todobaadikii hore.

Waxa ay sidoo kale tilmaamtay in tani ay noqon karto markii ugu horeysay oo Al-Shabaab tiro intaas le’eg oo ay hogaamiyayaashooda ku jiraan laga dilo.

Halkaan ka akhriso magacyada saraakiisha Alshabaab ee Itoobiya ay sheegtay inay dishay.

1) Fu’aad Muxamed Khaliif – Madaxa ololaha iyo dacaayadda Al-Shabaab

2) Abdulaziz Abumus – Afhayeenka al-Shabaab

3) Cabdinuur Ciise Madaxa Aagga Bokool iyo Xuduudka Itoobiya

4) Madaxa Saadka ee Koonfur Bari

5) Abuu Muusa Guddoomiye ku xigeen

6) Ali Muhammad Hasan – Horjoogaha labaad ee Al-Shabaab

7) Aadam– Taliye ku xigeenka alshabab.

) Mukhtaar Gab – Xubin Golaha Dhexe

9- Amiir C/llaahi (Maxamed C/llaahi) – Madaxa Tababarada Al-Shabaab ee Xerada Morgabe

10- Injineer Jehad Srewan (Mujaahid Faysal) – Madaxa Tababarada iyo Walxaha Qarxa ee Kaamka Bluefly.

11) Sheikh Hussain Berdele – Canshuur aruuriyaha Aagga Bakool

12) Sheekh Hasan Nuuno – Madaxa Ololaha Jebalada Sh/hoose

13) Yaasiin Dheere –

14-Saalax dheere – Madaxa Waxbarashada Al-Shabaab ee Gobolka Baay

15-Abuu Salaam – Aagga Bokool ee ururinta Alshabaab

16) Xamzi C/llaahi Madaxa Warfaafinta Aagga Bay

17-Cabdullaahi Xaaji- Taliyaha Ciidanka Milatariga ee Aagga Bokool.

18) Mukhtaar Boro

19) Abdurashd Gabo-

20) Cabdukiim Gedude-

21- Mukhtaar Gab – Madaxa Ololaha Gobollada

22) Ayuub Daa’uud –

23) Cali Aadan-

24) Xasan Maxamed-