4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 6 , 2022
Xildhibaannada mucaaradka Somaliland oo ka hadlay mudaharaadka mucaaradku ku baaqay
 

Sabti, Ogosto, 6, 2022 (HOL) - Qaar kamid ah xildhibaannada Golaha Wakiilada Somaliland ugu jira xisbiyada mucaaradka, ayaa sheegay in mucaaradku ay qaban doonaan mudaharaad nabadgalyo, iyagoo sheegay in uu sharcigu u fasaxayo.

Xildhibaannada oo tiradooda ku sheegay ilaa 30 xildhibaan oo ka tirsan xisbiyada mucaaradka ee Waddani iyo UCID, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in shakhsiyaad hore xoriyada ugu soo dagaalamay, ay maanta shacabka cabudhiyaan.

"Madaxweynaha qaranka J. Somaliland waa mujaahid wuxuu usoo dagaalamay dalkan iyo dadkan, oo xoriyad ayuu usoo dagaalamay, wasiirka arrimaha guduhuna waa mujaahid ... taliyaha ciidanku maalin walba wuxuu sheegaa in uu soo dagaalamay, adduunka halkee lagu arkay nin ku leh xoriyad u dagaalan baan ahaa, oo hadana ku leh xoriyadiina ma dhaqaajin kartan" xildhibaan Axmed Khaliif, ayaa sida yidhi.

Shacabka ayuu ugu baaqay in anay cabsan, isagoo sheegay in ay ka mucaarad ahaan qaban doonaan mudaharaad nabadgalyo "Dadka waxan leeyahay waxba yaan laydin bajin, mudaharaadkaasi wuu dhacayaa, si nabadgalyo ah, ayuuna u dhacayaa".

Waxay sheegeen ka xildhibaano ahaan in ay yihiin muwaadiniin u dhaartay dadka, isla markaana anay ogolayn in wax yar oo nabadgalyo daro ahi ka dhacdo Somaliland, lakiinse ay wax sharci ah uun samaynayaan.

Waxay ku andacoodeen in madaxweyne Biixi uu doorasho diyaar u yahay, waligiina uu u ahaa, lakiinse uu la xintamayo guddoomiyaha cusub ee uu xisbiga Waddani yeeshay ee Xirsi Cali Xaaji Xasan, isla markaana uu madaxweynuhu is badalay markii uu Xirsi qabsaday xisbiga Waddani.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]