4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 6 , 2022
Golaha Wasiiradda magacaaban oo berito hortagaya Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya

Sabti, Agoosto, 6, 2022 (HOL) - Xukuumadda cusub ee Raysal wasaare Xamse Cabdi Cabdi Barre ee uu ku dhawaaqay labadii bishaan Agoosto 2022, ayaa lagu wadaa in Maalinta berto ah ay hortagi doonto Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya si loogu qaado codka kalsoonida.

War qoraal ah oo kasoo baxay Golaha Shacabka ayaa lagu shaaciyay in berito oo Axad ah uu jiro kulanka Baarlamaanka Soomaaliya oo ka qabsoomi doono xarunta Villa Hargeysa, islamarkaana uu yahay ajandahiisu u codeynta wasiiradda magacaaban ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya.

“Berri oo Axad ah, taariikhdu tahay 7 August, waxaa jira kulan weynihii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya. Agendaha, u codeynta kalsooni siinta Xukuumadda magacaaban iyo barnaamijkeeda” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xafiiska Golaha Shacabka.

Raysal wasaare Xasame Cabdi Barre ayaa sidoo kale lagu wadaa in berito uu mudanayaasha Baarlamaanka  ka hor jeediyo khudbad uu Xildhibaanadda ku weydiisanayo kalsooni siinta Xukuumaddiisa, islamarkaana Baarlamaanka uu u soo bandhigi doono Barnaamij Siyaasadeedka Xukuumaddiisa ay ku shaqeyn doonto.

Tirada Golaha Wasiirrada ee Xukumadda Raysal wasaare Xamse Cabdi barre ayaa gaareysa 75 xubnood oo isugu jira Raysal wasaare ku xigeenka, Wasiiro, Wasiir ku xigeeno iyo Wasiiru dowleyaal, kuwaas oo dhamaantood lagu hor dhaarin doono Xildhibaanadda Golaha Shacabka hadii ay siiyaan codka kalsoonida ah.

Gabagabadii wasiirrada magacaaban ayaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay gudaha magaalada Muqdisho ka waday kulamo ay la yeelanayeen Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyaga oo weydiisanayay cod siinta Xukuumadda cusub.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]