4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 6 , 2022
Wasiiradda magacaaban oo kulamadii ugu dambeeyay ee kalsooni raadinta ah ka wada gudaha magaalada Muqdisho

Sabti, Agoosto, 6, 2022 (HOL) - Saacadahii lasoo dhaafay waxaa si weyn gudaha magaalada Muqdisho looga dareemayay kulamo gooni gooni ah oo ay wadeen wasiiradda magacaaban ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya.

Kulamada ay wadaan Wasiiradda magacaaban ayaa waxa ay la kala qaadanayeen Xildhibaanada ku matala beelaha ay kasoo jeedaan Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, si ay u taageeraan Xukuumadda cusub ee raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Wasiiradda ayaa intooda badan ku guuleystay iney taageero iyo garab istaag ka helaan Xildhibaanada ku matala Baarlaamaanka Soomaaliya, waxaana wasiiradda haatan kulamadii ugu dambeeyay Muqdisho ka wada ay kala yihiin Wasiirrada kasoo jeeda deegaanada Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, kuwaas oo raadinaya sidii loo ansixin lahaa Xukuumadda cusub.

Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka mid ah masuuliyiinta maalmahii lasoo dhaafay kulamada la qaadanayay Xildhibaannada ka tirsan  Baarlamaamka Soomaaliya, waxaana la sheegay in la isku afgartay in wasiirrada codka kalsoonida la siiyo, hayeeshee lama oga maalinta la horgeyn doono Baarlamaanka Soomaaliya Golaha wasiiradda cusub si ay ugu qaadaan codka kalsoonida.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]