4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 6 , 2022
Ciidanka Liyuu Booliska oo sheegay inay Al Shabaab ka dileen 800 oo xubnood tiro kalena ay ka qabteen


Sabti, Agoosto, 6, 2022 (HOL) - Ciidamada Liyuu Booliska degaanka Soomaalida ayaa sheegay inay Al Shabasb ka dileen 800 oo xubnood, isla markaana laga qabtay 100 xubnood oo kamid ah Ururka alshabaab.

Dadka ay dowladdu sheegtay inay Al Shabaab ka dishay ayaa waxaa ku jiray xubno gaaraya ilaa 24 xubnood, kuwaas oo ay dowladdu ku sheegtay hoggaamiyayaal madaxoodana lacago badan la dul dhigay, sida ay Warbaahinta u sheegeen Taliyaha guud ee Ciidanka Liyuu Booliska Maxamed Axmed iyo Jeneral Tesfaye Ayalew, oo ah Madaxa hawlgalinta Ciidanka Itoobiya.

Taliyaha Liyuu Booliska ayaa sidoo kale sheegay in Ururka Al Shabaab ay ka furteen hub badan, oo isugu jira qoryaha waaweyn, Miinooyin iyo qalab kale.

Dowladdu maysan sheegin xilliga uu dhacay howlgalka lagu laayay xubnaha tirada badan ee Al Shabaab, tiro kalena lagu soo qabqabtay.

Ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijiyay sheegashada dowladda ee ah in xubno tiro badan oo Ururka Al Shabaab kamid ah qaarna la laayay kuwo kalena la qabtay.

Ururka Al Shabaab ayaan isagu wali ka hadlin warkan dowladda Itoobiya ay soo saartay.

Howlgalka ka dhanka ah Ururka Al Shabaab ee ka socda gudaha degaanka Soomaalida, ayaa maalmahan dambe waxaa si wada jir ah u fuliya Ciidanka Liyuu Booliska oo kaashanaya Militariga Itoobiya.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]