4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 4 , 2022
Kenya oo 20 sano oo xarig ah ku xukuntay haweeney Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay inay hub ka soo tahriibisay Soomaaliya
 

Khamiis, Agoosto, 4, 2022 (HOL) - Maxkamad ku taalla magaalada Mandheera ee dalka Kenya ayaa 20 sano oo xabsi ah ku xukuntay haweeney Soomaali ah oo si sharci darro ah u haysatay hub.

Haweeneydan ayaa lagu eedeeyay dambi ah inay hubka kasoo xaday booliiska Soomaaliya, una baxsatay dalka Kenya ee deriska la ah.

Garsooraha Maxkamadda Mandheera Kimani Mukabi ayaa ku helay Jamiila Macallin Xuseen Eymoi dambiga ay gashay March 2021, wuxuuna caddeymo kadib ku xukumay 20 sano inay ku qaadato xabsi dhexdiis.

Jamila waxa ay qiratay dambiga iyada oo qaadatay rafcaan 22-kii Abriil, 2022, laakiin markii dambe waxa ay ka noqotay racfaankeeda markii ay xeer ilaalintu difaacday dambiga lagusoo oogay.

Eedeysanaha ayaa lagusii daayay damiin bishii March 2022, balse waxaa lagu xiray March 26, 2022, magaalada Mooyaale xilli ay isku dayday inay u gudubto Itoobiya.

Sida ay sheegtay xeer ilaalinta, sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku wargeliyay sarkaal Kenyan ah oo ku sugan xuduudka Buula Xaawo, in qori AK 47 ah laga soo xaday dhinacooda, wuxuuna u gudbiyay lambaro taleefan iyo sawirro eedeysanaha.

Booliska ayaa sheegay in ay Jamiila hubka si qarsoodi ah ugu soo xaday guriga adeerkeed oo ku yaala magaalada Mandheera isaga oo aan ka warqabin. Maalmo ka dib, booliisku waxay xoog ku galeen guriga Jamiila waxayna kasoo saareen hubkii loo haystay.